Tirada dadka ku nool Puntland ayaa la sheegay inay si weyn hoos ugu dhacday muddadii toddobada sano ahayd ee uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni hoggaaminayay maamulka Puntland, sida ay muujinayaan xog iyo tirakoobyo la soo bandhigay. Magaalada Boosaaso ayaa sannadkan lagu sheegay inay ku nool yihiin 232,410 qof, iyadoo 124,893 kamid ah lagu tilmaamay dad...
Day: August 14, 2026
Puntland oo Ciidamo Federaalka ah Ku Biirisay Ciidankeeda
Puntland (Raxanreeb Online): Puntland ayaa sii wadda soo xerogelinta ciidamada mushaharka ka qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa deegaanno ka tirsan Puntland. Puntland ayaa si rasmi ah ciidamadeeda ugu biirisay ciidamo ku sugnaa deegaanka Kur-ilaalo ee gobolka Karkaar, kuwaas oo sida xogta lagu sheegay ka amar qaadanayay mid kamid ah...
Dufcaddii 5-aad ee Darawiishta oo Tababar Loo Soo Xiray
Muqdisho (Raxanreeb Online): Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Madaxa Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia), Kęstutis Lančinskas, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta. Ciidamada ayaa tababarka lagu baray anshaxa ciidannimo, fulinta howlgallada...
Tahriibayaasha Itoobiyaanka ah oo Ku Sii Kordhaya Boosaaso
Boosaaso (Raxanreeb Online): Tirada muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee magaalada Boosaaso uga sii gudba dhanka Yemen ayaa si weyn u korortay, iyadoo warbixin cusub oo ay soo saartay IOM lagu sheegay in tiradu ku dhowaad saddex jibbaarantay. Saddexdii bilood ee ugu horreysay 2025, waxaa Boosaaso maray ku dhowaad 6,400 qof, halka muddadii u dhiganta 2026 ay...
Xasan Sheekh oo Gaaray Dhuusamareeb
Galmudug (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Safarka Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta dadaallada dowladda ee...
Galmudug oo Ka Jawaabtay Eedeymaha Puntland
Galmudug (Raxanreeb Online): Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegtay in eedeymaha Puntland ay u jeedisay Galmudug aysan lahayn sal iyo raad, iyadoo caddeysay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya oo dhan, isla markaana uu xaq u leeyahay inuu tago gobol kasta oo dalka ka tirsan. Madaxtooyada ayaa sheegtay in Galmudug ay qayb ka tahay...
SoDMA iyo UK oo Ka Wada Hadlay Gurmadka Musiibooyinka
Muqdisho (Raxanreeb Online): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK), Chris Pycroft. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo saadaasha El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga iyo awoodda Soomaaliya ee wax looga qabanayo musiibooyinka....
Sida Roon Rabbigaa Ogaaday!
Nin doon yar ku kalluumeysan jiray ayaa mar kasta ka caban jiray shaqada uu hayo iyo dakhliga yar ee uu ka heli jiray. Wuxuu had iyo jeer Alle ka baryi jiray in uu ugu beddelo wax ka kheyr badan. Maalin maalmaha ka mid ah, dabeyl xoog leh ayaa ku dhufatay badda, waxayna ka baabi’isay doontiisii...
Qabuuraha Taliska Asluubta oo Dhul Loo Burburinayo
Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda ayaa lagu eedeeyay inay saaka bilowday qorshe lagu baneynayo qabuuraha weyn ee Taliska Ciidanka Asluubta ee Muqdisho, iyadoo la sheegay in dhulka qabuuraha loo qorsheeyay dhismo. Sida lagu sheegay xogta la helayo, dhulka ayaa la sheegay in loo qoondeeyay shaqsiyaad xiriir dhow la leh Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la...
Xasan Sheekh: “Hal Sano Ayaa Baarlamaanka U Dhiman”
Muqdisho (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya ay u harsan tahay muddo hal sano ah. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu jeediyay, isagoo tilmaamay muddada ka harsan xil-haynta Baarlamaanka 11-aad.









