Bari (Raxanreeb Online): Gaadiid badan ayaa ku xanniban waddada isku xirta Boosaaso iyo Qardho, kaddib markii ay halkaasi xireen ciidamo ka tirsan Puntland oo ka cabanaya mushahar la’aan dhowr bilood ah. Ciidamada ayaa la sheegay inay cabashadooda la xiriirto xuquuqda iyo mushaharka oo muddooyinkii u dambeeyay aan la siin. Xukuumadda Puntland ayaa lagu eedeeyay inay...
Day: August 15, 2026
Wasiir Fiqi iyo Taliyaha CXDS oo Booqday Qeybta 21-aad
Dhuusamareeb (Raxanreeb Online): Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Dhuusamareeb. Taliyaha Qeybta 21-aad, G/Sare Maxamed Cabdi Daahir, ayaa Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Taliska, howlaha ciidamada...
Wasiirka Difaaca Uganda: Ciidamadeennu Soomaaliya Way Sii Joogayaan
Uganda (Raxanreeb Online): Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamadii Hore ee Uganda ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay sii joogi doonaan Soomaaliya, xilli ay jiraan walaac laga qabo mustaqbalka howlgalka AUSSOM. Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan hubanti la’aan ku saabsan maalgelinta iyo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Warbixinno cusub ayaa sheegaya in Uganda...
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo Ka Wada Mubaarak
Shabeellaha Hoose (Raxanreeb Online): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda duleedka deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgallada ayaa billowday kaddib markii ciidamada ay heleen xog ku saabsan maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo lagu abaabulayay dhul beereed ku yaalla qiyaastii 5 KM meel u...
5 Dalxiise oo New Zealand u Dhashay oo Islaamay
Türkiye (Raxanreeb Online): Shan dalxiise oo u dhashay dalka New Zealand ayaa qaatay diinta Islaamka kaddib markii lagu martigeliyay tuulada Tatlıcak, oo hoos tagta degmada Sivas ee bartamaha dalka Türkiye. Dalxiisayaasha oo baaskiillo ku marayay dalka Türkiye ayaa booqday tuulada, halkaas oo ay si weyn u soo jiidatay soo dhaweyntii, martiqaadkii iyo dhaqankii wanaagsan ee...
Puntland oo Furtay Waddo Muddo Dheer Xirnayd
Boosaaso (Raxanreeb Online): Xukuumadda Puntland ayaa maanta shaacisay inay dib u furtay waddo laami ah oo muddo dheer u xirnayd arrimo amni, gaar ahaan sababo la xiriiray xero ciidan oo ku taallay waddadaas. Xerada ciidanka ayaa dhawaan waxaa la wareegay dowladda, taasoo horseeday in waddada dib loogu soo celiyo isticmaalka shacabka. Maamulka Dowladda Hoose ee...
Taliyaha Qaybta 54-aad oo Ka Tanaasulay Xilka DFS
Puntland (Raxanreeb Online): Jimcaale Jaamac Takar, oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacaawday Taliyaha Qaybta 54-aad ee fadhigeedu yahay Puntland, ayaa si rasmi ah uga tanaasulay xilka iyo arrimaha la xiriira dowladda Federaalka, kaddib markii uu heshiis la galay Dowladda Puntland. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid dhaawac ku ah qorshihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in...
Macallin Hore oo Cambridge Ka Tirsanaa oo London Laga Helay Meydkiisa
London (Raxanreeb Online): Jason Arday, oo ahaa macallin hore uga tirsanaa Jaamacadda Cambridge, ayaa da’diisu ahayd 41 sano, waxaana meydkiisa laga helay guri ku yaalla Battersea, koonfurta London. Booliska Metropolitan-ka ayaa sheegay in dhimashadiisu ahayd mid lama filaan ah, balse aan loo arkin dhimasho laga shakisan yahay, iyadoo baaritaanku socdo. Arday ayaa horaantii bishan iska...
Xasan Sheekh: Soomaaliya Ayaa Dunida Gargaar Siin Doonta
Dhuusamareeb (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhawaan gaari doonto heer ay kaalmo iyo gargaar siiso dalalkii horey u taageeri jiray. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Dhuusamareeb, isagoo tilmaamay in la gaari doono xilli Soomaaliya ay awood u yeelato inay lacago iyo taageero u fidiso dalalkii ay horey...
Maxkamad Mareykan ah oo Fasaxday Joojinta TPS-ka Soomaalida
USA (Raxanreeb Online): Maxkamad federaali ah oo Mareykanka ah ayaa fasaxday in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu soo afjaro barnaamijka Temporary Protected Status (TPS) ee Soomaalida, taas oo meesha ka saaraysa ilaalintii ku-meelgaarka ahayd ee ka hortageysay in qaar kamid ah dadka Soomaalida ah loo masaafuriyo. Go’aankan ayaa saameynaya ku dhowaad 1,100 Soomaali ah oo...









