Ciidanka Macawiisley oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan ku yaalla gobolka Mudug

Ciidanka Macawiisley oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan ku yaalla gobolka Mudug

Xaradheere ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgal ciidanka deegaanka ee macawiisleyda ka howlgala degmada Xarardheere ay xalay fuliyeen howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, kaasi oo si toos ah loogu beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay tuulada Dumaaye ee gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa lagu dilay 6 xubnood, waxaana gacanta lagu soo dhigay hub iyo saanad ay argagixisadu ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah. Hubka laga soo furtay cadawga, waxaa ka mid ahaa afar qori oo nooca AK-47 ah iyo agab ciidan oo kale.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fashiliyey weerar Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka Dabagalo, oo qiyaastii 35 KM dhanka Waqooyi-Galbeed ka xiga Xarardheere. Ciidanku waxay ka hortageen qorshaha cadowgu soo maleegay ee lagu doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.