Ciidamo DFS ah oo Gaaray Furimaha Sanaag

Ciidamo DFS ah oo Gaaray Furimaha Sanaag

Sanaag (Raxanreeb Online): Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray furimaha hore ee gobolka Sanaag, iyagoo qeyb ka ah wafdi ciidan oo socdaal ku marayay furimaha Waqooyi Bari.

Safarkan ayaa waxaa hoggaaminaya saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale qeyb ka ah Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Lugta ee Soomaaliya.

Socdaalka saraakiisha iyo ciidamada ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay kormeerka iyo qiimeynta xaaladda ciidamada ku sugan furimaha Waqooyi Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published.