Muqdisho (Raxanreeb Online): Isbahaysiga siyaasadeed ee Haybad Qaran ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo adag, kaddib markii ay isaga baxeen siyaasiyiin miisaan leh oo kamid ahaa xubnihiisa.
Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Gaadiidka iyo Badda Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) ayaa ka baxay isbahaysiga Haybad Qaran, waxaana ay ku biireen Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).
Cusmaan Daallo ayaa la filayaa inuu qaato kursigii uu baneeyay Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamuud Cabdullaahi Abuukaate, oo maanta xilka iyo kursiga ka baxay.
Ka bixitaanka Isloow Ducaale, oo ah siyaasi iyo ganacsade caan ah, ayaa loo arkaa khasaare siyaasadeed oo weyn oo soo gaaray isbahaysiga Haybad Qaran, iyadoo tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto isku-duubnida iyo mustaqbalka isbahaysiga.

Leave a Reply