DFS oo Booliis Geysay Ceeldheer, Ciidanka Xoogga Dalka oo Furimaha Loo Dirayo

DFS oo Booliis Geysay Ceeldheer, Ciidanka Xoogga Dalka oo Furimaha Loo Dirayo

Ceeldheer (Raxanreeb Online): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo Booliis ah geysay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, dowlad-goboleedka Galmudug, kuwaas oo la wareegaya mas’uuliyadda sugidda amniga degmada.

Ciidamada Booliiska ayaa lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer, iyadoo la sheegay in loo xilsaaray howlgallada amniga iyo ilaalinta kala dambeynta. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo amniga deegaanada ay Dowladda Federaalka iyo ciidamada dowladda dib ula wareegeen.

Sida ay sheegeen ilo kala duwan, Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale waddo qorshe lagu gaarsiinayo ciidamo Booliis ah degmooyin kale oo dhawaan laga saaray gacanta Al-Shabaab, iyadoo saldhigyo Booliis oo ku yaalla deegaanadaas dib loo dayactiray ama loo diyaariyay in ciidamadaasi ka howlgalaan.

Qorshahan ayaa ujeeddadiisu tahay in Ciidanka Booliiska ay qaataan mas’uuliyadda amniga magaalooyinka iyo degmooyinka, halka Ciidanka Xoogga Dalka loo qorsheynayo in xoogga lagu saaro furimaha hore iyo howlgalada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa sidoo kale qeyb ka noqon karta qorshaha Dowladda Federaalka ee kala saaraya waajibaadka ciidanka milatariga iyo booliiska, si ciidamada Xoogga Dalka ay u dardargeliyaan howlgalada ka socda furimaha dagaalka, halka Booliisku ay diiradda saaraan sugidda amniga iyo kala dambeynta gudaha degmooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.