In ka badan 50 qof ayaa ku dhintay shil tareen oo ka dhacay dalka Hindiya

In ka badan 50 qof ayaa ku dhintay shil tareen oo ka dhacay dalka Hindiya

New Delhi (Raxanreeb) — Shilkii ugu khasaaraha badnaa ayaa ka dhacay Dalka Hindiya taariikhda inta la xusuusto waxaana isku dhacay saddex tareen oo ay la socdeen dad badan, ugu yaraan 288 ruux ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen in ka badan 900 oo kale.

Saraakiisha Caafimaadka Hindiya ma sheegin tiro rasmi ah oo waxa ay tilmaameen in dhimashada iyo dadka dhaawaca ah ay ka badan karaan tirada la shaaciyay maadaama gurmad iyo tirakoob ay isku dhex wadaan.

Waxaa socda dedaal xooggan oo lagu daweynayo dadka dhaawaca soo gaaray oo qaarkood la geeyay goobaha caafimaadka, mas’uuliyiin katirsan dowladda ayaa sheegay in gurmadka kaddib ay soo gudbin doonnaan wadarta dadka wax ku noqday.

Hindiya waxaa joogto ka noqday shilalka Tareennada oo inta badan dhaca marka ay waddada isaga hor yimaadaan, boqolaal ruux ayaa naftooda ku weysay halka ay ku dhaawacmeen boqolaal kale oo qaarkood lixaadkooda ku waayay.