Muxuu ka dhigan-yahay socdaalka Mahad Salaad ee Itoobiya ?

Adis Ababa ( Raxanreeb ) Hay’daha Nabad sugidda dalalka Soomaaliya iyo itoobiya ayaa wada- gaaray qodobo dhawr ah oo la xiriira amniga labada dal.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Ethiopia (NISS)  Temesgen Tiruneh Dinku ayaa qalinka ku wada – duugay heshiis ku saabsan is dhaafsiga xogaha labada wadan si ammaanka wax badan loogu qabto.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika.

DHANKALE Xubnaha Hay’adaha sirdoon ee labada dal oo ay wehliyaan saraakiil Sar sare oo ka tirsan labada hay’adood ayaa maanta oo Jimca ah kormeeray xarunta Taliska Sirdoonka Ethiopia iyo Jaamacadda daraasaadka sirdoonka iyo arrimaha amniga ee hoostaga NISS.

Mahad Salaad Agaasimaha NISA iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lala wadaagay sida ay u shaqeeyaan xafiisyada kala duwan ee Hay’adda Sirdoonma Ethiopia

Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda ayaa maalmahan waxa uu booqasho rasmi ah uu ku jooga magaaalada Adis Ababa halkaas oo kulamo uu kula qaatay Madaxda Hay’adda Sirdoonka Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.