Xil. Daahir Jeesow “Dagaalka Hiiraan seddax bil ayaa lagu soo afjarayaa “

Muqdisho ( Raxanreeb ) Xildhibaan Daahir Aamin Jeesay ayaa sheegay in heer gaba- gaba ah  uu marayo kacdoonka ka dhanka ah Kooxda Al- Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan .

Daahir Jeesow waxa uu sheegay in qorshaha dagaal ee Hiiraan ay ahaydba in la soo afjaro  si buu yiri loo afjaro kooxda Al- Shabaab.

“Abaabulka dagaalka galbeebka Hiiraan waxaan u qorsheynay ilaa iyo sedax meelood oo Gobolka looga afjaro kooxda Al shaabab” ayuu yir Xildhibaan Daahir Jeesow.
Intaas waxaa uu warkiisa ku daray Daahir Jeesow in sidoo kale Aag- cusub oo dagaalka ka ah Al- Shabaab ay ka abaabulayaan dhanka Yaaqbari wayne iyo deegaano kale oo ka mid ah Shabeellaha Dhexe.

” Hadda waxaa socda qorshaha dagaalka cusub ee Al- Shabaab ee ka bilaabanaya Shabeellaha hoose , kana waa mid aan soo afjarayno ” ayuu yiri xildhibaanka.

Daahir Aamin Jeesow ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed diyaar ay u yihiin in ay iska dulqaadaan kooxda Al- Shabaab oo meelo kale duwan kala kulmay culayso aad u xoogan oo ka dhashay kacdoon ay sameeyeen dadka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.