Odayaal Al- Shabaab ay  ku laayeen Masgawaa oo Muqdisho lagu aasay

Odayaal Al- Shabaab ay  ku laayeen Masgawaa oo Muqdisho lagu aasay

Muqdisho (Raxanreeb ) –Maanta waxaa qabuuro ku yaala deegaanka Daaru sallaam ee magaalada Muqdisho lagu aasay Saddex Oday dhaqameed oo shalay lagu dilay weerarka degaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud. Odayaashan ayaa safka hore uga jiray abaabulka gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Alle ha u raxmadee, odayaashan hormuudka u ahaa Macawiisleyda degaanka ee la aasay magacyadooda ayaa kala ah; Ibraahin Geeljir (Gudoomiyihi hore ee Galcad), Cismaan Macalin Axmed (Xarfadle), iyo Ibraahin Maxaad Cismaan, waxaa sidoo kale lala aasay ganacsade Yaasiin Macalin Muxumad Macalin Jilib oo isna lala dilay Nabadoonadaas.

Aaskooda waxaa ka qeyb galay shacab fara badan, waxaana laga sheekeeyay taariikhda duqeydan, iyadoo lagu balamay in halkiisa laga sii wado halgankii ay ugu jireen in Shabaab galgaduud laga saaro.

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay saddex nabadoon oo kamid ah dadkii ku geeriyooday weerarkii kooxda Alshabaab ka geysatay degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo soo saaray war qoraal ah ayaa u tacsiyeeyay qoysaska ay ka geeriyoodeen nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljire, kuwaas oo ay Alshabaab ku dileen magaalada Masagawaa. Si kastaba, Weerarkan ayaa yimid laba maalmood kadib weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday deegaanka Budbud ee isla Galmudug. Gulufkaas waxaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.