Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee la xiriira horumarinta, dib-u-dhiska iyo casriyeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta heerka fulinta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Ciidanka, iyadoo xubnaha guddigu ay...
Day: July 2, 2026
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Dimishiq
Dimishiq ( Raxanreeb Online) Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya iyo warbaahinta rasmiga ah ayaa sheegtay in qarax uu ka dhashay walax qarax ah oo lagu rakibay kafateeri ku taalla aagga Hejaz, oo u dhow Qasriga Caddaaladda ee magaalada Dimishiq, kaas oo sababay dhimashada 5 qof iyo dhaawaca tiro kale. Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta, iyagoo...
Dowladda oo duqeyn ku dishay 27 xubnood oo katirsan kooxda AS
Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay duqeymo is xig-xigay la bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan Al-shabaab ee deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji ee gobolka Shabeellada Hoose. Duqeymahaas ayaa lagu dilay 27 xubnood katirsan Al-shabaab, halka labaatameeyo kale lagu dhaawacay....
Dowladda Soomaaliyeed oo 129 muwaadiniin Soomaaliyeed ah dalka dib ugu soo celisay
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda federaalka Soomaaliyeed, ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 129 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo badan ku xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalooyinka dalka Liibiya. Dowladda ayaa muddooyinkii dambe kordhisay dedaalka ugu jirto badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan daafaha caalamka. Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa laga soo dejiyey...
Maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray sidii wax looga qaban lahaa nadaafada darro ka jirta Caasimada.
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa maanta ah guddoomiyay shir heer sare ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta nadaafadda Caasimadda Muqdisho, adkaynta dhaqan-gelinta Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda, Maaraynta Qashinka, iyo xal-u-helidda xoolaha sida sharci-darrada ah ugu dhex nool magaalada. Intii uu socday shirka waxaa si...
Golaha wasiirrada Somaliland oo ansixiyay heshiiskii wada-gareen Somaliland iyo Israa’iil
Hargeysa ( Raxanreeb Online) Golaha wasiirrada ee Somaliland ayaa shalay ansixiyay baaqii wadajirka ahaa ee wada-gareen madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ( Cirro) iyo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Natanyahu. Madaxweyne Cirro, ayaa sheegay in maalmaha soo socda loo gudbin doono golaha wakiiladaSomaliland si ay uga doodaan una ansixiyaan. Sidoo kale madaxweyne Cirro, ayaa sheegay in 40-ka...
Tahriibayaal badan oo ku dhintay saxaraha dalka Niger
Niger ( Raxanreeb Online) Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dalka Niger, 49 qof oo tahriibayaal ah ayaa haraad ugu geeriyooday saxaraha waqooyi ee dalkaas, ka dib markii uu ka xumaaday gaarigii ay la socdeen oo ku go’doomay aag cidlo ah. Labo qof oo kaliya ayaa ka badbaaday dhacdadadan ka dib markii ay lugeeyeen in ka badan...
In ka badan 13 qof oo ku dhintay weerarro culus oo uu Ruushku ku qaaday Ukraine
Ukraine ( Raxanreeb Online) Saraakiisha ku sugan caasimadda Ukraine ayaa sheegay in weerar ballaaran oo ay Ruushku ku qaadeen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn uu dilay ugu yaraan 13 qof. Dhismayaal la deggan yahay, hoteelo iyo xarun ay ku sugan yihiin gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa la beegsaday xalay. Madaxa maamulka militariga ee Kyiv,...







