Garoowe (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda hay’adaha Garsoorka Dowladda, kuwaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, Garyaqaan Xasan Yuusuf Nuur. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta Cabdirashiid Barkhadle...
Month: June 2026
Maxey tahay muhiimada ay lee dahay xarunta uu xariga ka jaray madaxweyne Xasan Sheekh?
Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada shacabka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso hirgelinta qorsheyaal lagu xaqiijinayo in dalku...
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Madaxa Ergada ICRC ee Soomaaliya
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa qaabilay, Madaxa Ergada Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya Antoine Grand. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, kor u qaadidda isku duwidda howlaha bani’aadannimada, iyo is waafajinta gargaarka bani’aadannimo mudnaanta qaran ee Soomaaliya. Labada dhinac ayaa...
Maxey tahay xarunta uu dhagax dhigay Agaasimaha NISA ee degmada Balanballe ?
Balanballe ( Raxanreeb Online) Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad, ayaa magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka dhagax dhigay xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada NISA. Xerada ciidan ee laga dhisayo Balanbal waxaa ku shaqeyn doona Ciidanka Hay’adda ee loogu talagalay inay ka shaqeeyaan amniga guud ee degmadaas iyo...
Saraakiisha Booliska iyo howlgalka AUSSOM oo ka wada hadlay amniga Sh.Hoose
Taliyaha Qaybta Booliska Birmadka Gobolka Shabeellaha Hoose, G/le Dhexe Hussein Baargeele Maxamed, iyo saraakiil kale ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Sector One ee AUSSOM, General Jackson Kayanja, iyo mas’uuliyiin ka tirsan AUSSOM. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga Gobolka Shabeellaha Hoose, xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga, dardargelinta howlaha ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo kor u...
Maxey kawada hadleyn madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ?
Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga dalka Itoobiya, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Ahmed. Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u...
Ra’iisul wasaare Xamsa oo xariga ka jaray waddo muhiim u ah shacabka degmada Deyniile
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 2 Kiiloomitir, taas oo Dowladda Hoose ee Muqdisho ka hirgelisay degmada Dayniile. Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)...
Bannaanbaxyo Waaweyn oo la sheegayo in laga abaabulayo Oobasiibada Tookiyo ee degmada Howlwadaag
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wararka anu ka helayo dadka deggan xaafadda Oobasiibada Tookiyo ee Degmada Howlwadaag, ayaa sheegaya in halkaasi laga wado abaabul bannaanbaxyo waaweyn oo la qorsheynayo in lagu qabto waddooyin muhiim ah oo ka tirsan caasimadda Muqdisho. Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, bannaanbaxyadan ayaa salka ku haya cabashooyin la...
Iran oo soo saartay amar ah in la dilay Trump iyo Netanyahu
Tehran ( Raxanreeb Online) Waxaa soo baxay kala qaybsanaan aan caadi ahayn oo ka dhex taagan Golaha khuburada Iiraan oo ah hay’adda ugu sarreysa culimada diinta ee Iiraan. Ku dhowaad saddex meelood laba meel xubnaha golaha oo ka kooban 88 xubnood ayaa soo saaray fatwo diimeed ay ku baaqayaan in la dilo Madaxweynaha Mareykanka Donald...
Shirka madasha arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya oo maanta ka furmay Baydhabo
Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), wasiirrada gargaarka dowlad-goboleedyada dalka iyo madaxda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada. Madashan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bini’aadanimada ee dalka,...









