RWXamse ”Doorasho Qof & Cod ah waa qabanayaa shaki kama qabo”.

RWXamse ”Doorasho Qof & Cod ah waa qabanayaa shaki kama qabo”.

Nairobi (Raxanreeb )- Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa markale ku celiyay in dalka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah isla markaana aan lagu laaban doonin , doorashadii dadbanayd iyo Teenadhada .

Hadalkan ayuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ka sheegay kulan magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu kula qaadanayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka dalkaas.

Wuxuu tilmaamay in dhammaan waxyaabihii ay Xukuumaddiisu qabtay intii ay xilka haysay ay ahaayeen kuwo Dastuurka dalku xeerinayo oo hab sharci ah loo maray, isla kolkaana ay go’aan sadeen inaanay waqti ku lumin is riix riix siyaasadeed.

Si gaar ah, ra’iisul wasaaraha wuxuu iftiimiyay sida ay uga go’an tahay in la helo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taasi oo qayb ka ah qorsheyaasha dib-u-habaynta siyaasadeed ee dalka.

Doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa ka dhashay muran xooggan ayada oo ay si weyn u diideen mucaaradka oo ku tilmaamay “been guur uu muddo kororsi ku doonayo madaxweyne Xasan Sheekh.”

uxuu sidoo kale xusay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, iyadoo la siinayo mudnaanta koowaad amniga iyo xasilloonida siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa todobaadkaan gudihiis gaaray dalka Kenya, isaga oo halkaas kula kulmay madaxweyne ku xigeenka dalkaas, ganacsato Soomaaliyeed, sidoo kale qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada labada dal ayaa kala saxiixday heshiisyo cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.