Muqdisho (Raxanreeb ) Sarkaal in muddo ah ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho ayaa caawa ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee caasimadda dalka.
Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray AUN Abdicasiis oo ahaa madaxii howlgelinta ciidanka Danab waxna ku soo bartay dalka Maraykanka ayaa Muqdisho ugu geeriyooday dayac dowladeed.
Labadii isbuuc ee la soo dhaafay ayaa sarkaalkan ku xanuunsanaa Muqdisho waxaana lagu dhaawacay degmada Wadajir.
Xabadihii lagu dhuftay mid kamid ah ayaa maskaxda ka istaagtay sida dhaqaatiirtu sheegeen waxaana uu ku jirey komo illaa uu caawa dhinto
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in sarkaan ay dayacday oo aan waxba ka qaban xaaladihiisa inta uusan dhiman ka hor caawa.
Waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha dhallinyarada ah ee dalka dib ugu soo laabtay waxna ku soo bartay dibada .
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka ee ku aadan dhimashada sarkaalkan dhallinyarada ah.
Leave a Reply