Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta hal goob isugu keenay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland kuwaas oo maanta gaaray dalkaasi, Jabuiti wuxuuna noqonayaa kulankii 2-aad oo ay yeeshaan Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi.
Day: December 28, 2023
Golaha Wasiirrada oo ansaxiyay heshiisyo caalami ah
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo kulankoodii toddobaadlaha oo ku yeeshay xarunta Villa Somalia, ayaa ku ansaxiyay saddex heshiis oo qaarkood Bulshada Soomaaliyeed muhiim u ah.
Ciidamada DF oo howlgallo ku dilay horjooge sare Al-Shabaab
Warar dheeraad ah, ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah, gobolka Bakool, ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wada-hadalladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo dib u billaabmaya
Wada-hadalladii u dhaxeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa inay dib u billowdaan, sida ay xaqiijiyeen labada dhinac.
NISA oo gacanta ku dhigtay nin ajnabi ah & gawaari u socday Al-Shabaab
Ciidamada Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, oo howlgal ka sammeeyah degmada Afgooye, ayaa gacanta ku dhigay gawaari qalab u waday iyo rag ka kooban 8 ruux oo kusii jeeday dhanka kooxda Al-Shabaab.
Doorashada Puntland oo dhinac u dhici la’ & siyaasada oo is–rogrogaysa.
Garoowe (Raxanreeb ) Garoowe oo ay ka jirto xasarad siyaasadeed oo ka dhalaatay 17da xildhibaan ee Puntland ay ka soo xuli jirtay deegaanada Sool iyo Sanaag , halkaas oo sanadkan ka jiri doono xildhibaano laga soo xulayo. 17-da xildhibaan ee Puntland ee dhanka Sool iyo Sanaag ayaa dhinac kale u jiheeyay doorashada maamulkaas oo markii...
Muxuu daaran yahay kulanka Xasan Sheekh & Muuse Biixi ?
Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi Madaxwayanaha Somaliland ayaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Jabuuti. Madaxwaynaha Somaliland ayaa ka dhoofay maanta oo Khamiis ah magaalada Hargaysa isaga oo ku wajahan dalka Jabuuti halkaas oo uu ka dhici doono kulan dhaxmaraya [isaga] iyo Xasan Sheekh Maxamuud....
WARBIXIN | Villa Somalia oo fashil ka haysta warbaahinta madax banaan.
Muqdisho (Raxanreeb ) In muddo ahba waxaa taagnaa khilaaf u dhaxeeyay Villa Soomaaliyo iyo warbaahinta madax banaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho , taas oo ka dhalatay hab dhaqanka waaxda warfaafinta Villa Soomaaliya. Inta badan warbaahinta ayaa caqabad ku qabay la macaamiilka iyo helida xogta Villa Soomaaliya taas oo ay u sii dheerayd gabaabsiga ku...