Month: February 2025

Maxkamadda degmada Waaberi oo xukun 2 sanno ah ku riday lamaane iska duubay muqaalo anshax xumo ah
Post

Maxkamadda degmada Waaberi oo xukun 2 sanno ah ku riday lamaane iska duubay muqaalo anshax xumo ah

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Maxkamadda degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, ayaa 2 sanno oo xabsi ah ku xukuntay Nin iyo Xaaskiisa oo  124 muqaalo oo anshax xuma ah iska duumay, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda degmada Waaberi Abshir Cumar. Guddoomiyaha ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay in ay si qaldan u isticmaalaan Caamirooyinka iyo Moobilada lagu...

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay wasiirka deegaanka ee wadanka Muritaaniya
Post

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay wasiirka deegaanka ee wadanka Muritaaniya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Soomaaliya kaga qeyb-galaya Madasha 6-aad ee Dalalka Carabta ee Yaraynta Khataraha Musiibooyinka ee ka socda dalka Kuwait, ayaa kulan la qaatay wafdiga dowladda Muritaaniya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Deegaanka iyo Horumarka Waara, Mrs. Messouda Mint Baham. Kulankan labada wafdi ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga...

Duqeyn lagu dilay xubno katirsan Daacish oo laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee G. Bari
Post

Duqeyn lagu dilay xubno katirsan Daacish oo laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee G. Bari

Boosaaso ( Raxanreeb Online)- Bayaan kasoo baxay  Taliska ciidamada Puntland, ayaa looga hadlay duqeymihii u dambeeyey  ee diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee lagu beegsaday xubno katirsan Daacish. Bayaanka  kasoo baxay Ciidamada, ayaa lagu sheegay in lagu dilay duqeyntii xalay ka dhacay deegaanka Shebaab ee katirsan buuraha Calmiskaad lagu dilay 30 xubnoo oo katirsan...

Boosaaso oo aas wadaradeed loogu samayeey sarkaal iyo askari ku dhintay dagaalka Daacish
Post

Boosaaso oo aas wadaradeed loogu samayeey sarkaal iyo askari ku dhintay dagaalka Daacish

Bosaaso (Raxanreeb online) – Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, aas ballaaran loogu sameeyay sargaal katirsanaa ciidamada difaaca maamulka Puntland iyo askari kale oo lagu dilay howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad. Sidoo kale, howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad ayaa lagu dilay gaashanle Farxaan Cabdulqaadir Xassan iyo Dable Xasan...

Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ay ku yeesheen Muqdisho ?
Post

Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ay ku yeesheen Muqdisho ?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxa ay ku yeesheen magaalada muqdisho, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre. Kulanka golaha wasiirrada, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlayey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada. Sidoo kale, Golaha ayaa...

Xabbad-joojinta Gaza oo laga baqayo in ay burburto
Post

Xabbad-joojinta Gaza oo laga baqayo in ay burburto

Wasiirka Gashaandhiga Israa’iil ayaa Arbacadi wacad ku maray, in cadaab daran oodda laga qaadi doono, haddii Xamaas ay ku guul-darreysato sii deynta la heystayaasha dhammaadka todobaadkan. Tani ayaa ah hanjabaadi u danbeysay ee ka dhan ah Xamaas oo kasoo baxda Isra’aail, xilli dhex-dhexaadiyaasha ay ku dadaalayaan sidi ay u badbaadin lahaayeen heshiiska 42-ka maalin ah...

Trump oo soo afjaraayo dagaalka mudda dheero socdo ee Ukraine iyo Ruushka
Post

Trump oo soo afjaraayo dagaalka mudda dheero socdo ee Ukraine iyo Ruushka

Washington (Raxanreeb online) – Madaxweyne Trump ayaa Arbacadi sheegay, in uu si kala gooni gooni ah uu Arbacadi shalay khadka telefoonka kula hadlay, madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine, Vladimir Putin iyo Volodymyr Zelenskiy, kuwaas oo uu sheegay in ay muujiyeen rabitaankooda ku aadan xal nabadeed oo laga gaaro colaadda u dhaxeysa labadaasi wadan.a Sidoo kale, Trump...

Somali MP Accuses President Mohamud of Concealing Agreement with Ethiopia
Post

Somali MP Accuses President Mohamud of Concealing Agreement with Ethiopia

MOGADISHU, Somalia – Somali parliamentarian Daahir Amiin Jesow has accused President Hassan Sheikh Mohamud of misleading the Somali public by withholding details of an agreement reached with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. Speaking on Wednesday, Jesow criticized the president for allegedly fostering anti-Ethiopian sentiment among Somalis while secretly engaging in negotiations with Ethiopia. He claimed...

Soomaaliland oo sheegtay in markale ay dib ugu soo laabatay masraxa caalamiga ah
Post

Soomaaliland oo sheegtay in markale ay dib ugu soo laabatay masraxa caalamiga ah

Hargeysa (Raxanreeb online) – Maamulka gooni isutaaga ah ee Somaliland, ayaa dalka Imaaraadka Carabta uga qeyb galay shir ay dalal kala duwan kasoo qeyb galeen, waxa ayna halkaasi ka heleen fursado ay dalal iyo hay’ado ugu soo bandhigaan aqoonsiga maamulka Somaliland. Sidoo kale, wasiirka madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in  Somaliland ay dib...

Booliska dalka Talyaaniga oo bilaabay howlgalo lagula dagaalamaayo Maafiyada Cosa Nostra
Post

Booliska dalka Talyaaniga oo bilaabay howlgalo lagula dagaalamaayo Maafiyada Cosa Nostra

Palermo (Raxanreeb online) – Booliska dalka Talyaaniga ayaa bilaabay howlgal ballaaran oo lagu sifeynaayo Maafiyada Sicilain ee magaalada Palermo, iyagoo soo saaray amarro xarig ah oo lagu soo qabanayo 183 qof oo lala xiriirinayo kooxaha Cosa Nostra. Sidoo kale, ku dhowaad 1,200 oo askari ayaa fulinaayo howlgalkan, taasi oo qeyb ka ah howlgalkan ayaana kusii...