Day: May 11, 2025

Home » Archives for May 11, 2025
Zelenesky oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Putin
Post

Zelenesky oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Putin

Ukraine ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Kyiv ay diyaar u tahay inay la kulanto Ruushka lana yeelato wadahadallo xabbad joojin ah. Isaga oo aan si toos ah uga jawaabin martiqaadka Putin ee wadahadallada Istanbul, wuxuu yiri: “Waa calaamad wanaagsan in Ruushku ugu dambeyntii bilaabay inuu tixgeliyo joojinta dagaalka.” Wuxuu intaas...

Dowladda Soomaaliya oo xayiraadii ka qaaday garoonka diyaaradaha degmada Doolow
Post

Dowladda Soomaaliya oo xayiraadii ka qaaday garoonka diyaaradaha degmada Doolow

Doolow ( Raxanreeb Online) Bayaan kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa dib loogu fasaxay duulimaadyadii tagi jiray degmada Doolow ee gobolka Gedo. Bayaan ayaa lagu sheegay in sababta ka dambeysay xayiraad garoonka degmada Doolow, ay aheyd amni darro awgeed, kaddib markii 23-12-2024 oo diyaarada Halla Airlines 60-AAB, oo duulimaadkeedu ahaa magaalooyinka Muqdisho...

Dabley hubeysan oo dad shacab ah ku dilay deegaan hoostaga degmada Cadalle
Post

Dabley hubeysan oo dad shacab ah ku dilay deegaan hoostaga degmada Cadalle

Cadalle ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dabley hubeysan oo saakay labo ruux oo shacab ah ku dilay deegaanka Koogaar oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Labada ruux ee la dilay ayaa la sheegay in mid kamid ah uu ka shaqeeynayay Shirkad  Isgaarsiin, halka midka labaad uu asna ka shaqeynayay...

RW Xamsa oo guddi u saaray garab istaaga dadka uu sameeyey Roobka
Post

RW Xamsa oo guddi u saaray garab istaaga dadka uu sameeyey Roobka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay guddiga ka kooban wasiiro, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda Sodma, si ay uga soo warbixiyaan khasaaraha uu geystay roobkii ka da’ay Muqdisho. Guddigan oo  uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad Jibriil Cabdirashiid, ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah waddooyinka iyo goobaha...