Nin Shidaal 50 liter ah ka dhacay dowladdii Maxamed Siyaad Bare oo maanta dib isaga soo celiyay.

Maxaas (Raxanreeb online) – Muumin Fiidow Rooble oo ah 85 sanno jir kunool degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa go’aansaday in dib gacanta dowladda Soomaaliya ugu soo celiyo 50-litar oo shidaal ah uu bililiqeestay xilligii dowladii Maxamed Siyaad Barre ee bur burtay.

Sidoo kale, ninkan odayga ah oo warbaahinta kula hadlay degmada Maxaas, ayaa sheegay in uu go’aansaday in dib isaga soo celiyo xoolaha xaaraanta ah uu horey u qaatay, waxa uuna xusay in uu wareestay culimada loona sheegay in kaliya shidaalkaasi ku wareejin karo dowladda sidaasna uu hadda sameeyay.

Dhanka kale, Shidaalka 50-ka liitar uu horey u qaatay Muumin Fiidow Rooble ayuu geeyay xarunta maamulka degmada Maxaas, waxa uuna shidkaalkaasi ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Maxaas , oo isna ka guddoomay shidaalkaasi horey looga bililiqeestay dowladdii Siyaad Barre.,

”Aniga oo ah Muumin Foodow oo kunool Maxaas, waqtigii ay dhacday dowladii Maxamed Siyaad in la bililiqeestay shidaalkii dowladda oon loo aabbo yeelin, waxaan kamid ahaa dadkii bililiqeestay shidaalkaasi, waxaa maalintaas iga soo gaaray 50-litar ,culmida markaan weediiyay waxa ay ii sheegeen in shidaalkaasi qaanta ah kaliya ku wareejin karo dowlad maadaama ay dowlad lahreyd, waxaana ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Maxaas, si aan maalinta qiyaamo la iigu qabsan shidaalkaasi” ayuu yiri Muumin Fiidow.

Sikastaba, dad badan ayaa boobay hantidii dowladda laheyd markii ay dhacday dowladii madaxweyne Siyaad Barre, waxaana aad u yar dadka qirtay qaladkaasi ay galeen go’aanna ku gaaray in dib usoo celiyaan hantidii dowladda laheyd oo ay dhaceen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.