Los Angeles (Raxanreeb online) – Dab xooggan ayaa mar kale ka kacay qeybo kamid ah magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, waxaana bilowday in halkaasi laga daadgureeyo dad badan, si looga badbaadiyo in waxyeelo kasoo gaarto dabka dib uga kacay Los Angeles.
Sida ay warinayaan qaar kamid ah Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dabkan cusub uu ka bilowday meel u dhow halka lagu magacaabo Castaic Lake, ee waqooyi-galbeed Los Angeles, wuxuuna si degdeg ah ugu fiday aag horleh, saacado gudahood.
Dhanka kale, dab ayaa lasoo sheegayaa in ay sii hurinayaan dabeylo xooggan oo aagaasi ka socda, waxaana wararku sheegayaan in dabka uusan wali wax khasaaro ah gaarsiin guryo iyo goobo ganacsi, balse laga cabsi qabo in uu gaaro.
Dad ka badan 31-kun oo qof ayaa laga daadgureeyay aagga uu dabku ka kacay, waxaa sidoo kale la amray dad ka badan 23-kun oo qof oo kale in taxadar dheeri ah muujiyaan kana fogaadaan aagga dabka ka kacay, haddii uu dabku kusoo dhawaado.
Saraakiisha dabdamiska ayaa sheegay in ay wadaan dedaalo ay uga hortagayaan in dabkan kusii faafo magaalada uuna geesto khasaaro lamid ah kii maalmo kahor halkaasi ka kacay, waxaana wali la xasuustaa khasaarihii dhimasho iyo bur burkii uu sababay dabkii horey halkaasi uga kacay.
Leave a Reply