Trump oo digniin adag u diray Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska

Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay dalka Ingiriiska in uu ganacsi la sameynta Shiinaha taasoo noqon karta arrin aad khatar u leh si gaar ah Uk.

Hadalkan Madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid ka dib markii la shaaciyay heshiisyo lagu kordhinayo ganacsiga iyo maalgashiga oo u dhexeeya UK iyo Shiinaha, kadib kulammo dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer uu haatan ku sugan yahay Shanghai, maalintii saddexaad ee booqashadiisa Shiinaha.

Isagoo ka hadlayay munaasabad, Madaxweyne Trump wuxuu Madaxweynaha Xi ugu yeeray “saaxiib” wuxuuna sheegay inuu si “aad ah u yaqaan” Madaxweynaha Shiinaha.

Heshiiska Hindiya-Yurub, booqashada Ra’iisul Wasaaraha Britain ee Shiinaha iyo iska caabbinta caalamiga ah ayaa sii kordhinaysa welwelka Trump.

Wasiirka Ganacsiga Britain Sir Chris Bryant ayaa hadalka Trump ku tilmaamay qalad wuxuuna sheegay in ay noqon lahayd, waali buuxda haddii Britain ay iska indhatirto joogitaanka Shiinaha ee masraxa caalamka.

“Dabcan, waxaan la galnaa xiriir Shiinaha anagoo si buuxda uga warqabna,” ayuu intaa ku daray. Wasiirka Britain ayaa sidoo kale xusay in Donald Trump laftiisu qorsheynayo inuu booqdo Shiinaha bishii Abriil.

Leave a Reply

Your email address will not be published.