Maxay galabsadeen caruurtan lagu laayay qaraxa ?

Maxay galabsadeen caruurtan lagu laayay qaraxa ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Laba caruur ah oo adeeg u soo doonay sida la sheegay waalidkood ayaa maanta ka mid ahaa  dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Aargada degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiil boolis ah  caruurtan ayaa ahaa kuwo sugan meel aan sidaa uga fogayn halka uu qaraxu uu ka dhacay kaas oo bartilmaameedku ahaa Guddoomiyaha dhanka amniga gobolka Banaadir.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska iyo Millateriga ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo muddo kooban xiray isku socodka dadka iyo Gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fureen.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah ilaalada Guddoomiyaha , halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xaalada halka ay wax ka dhaceen ayaa degan , oo isu socodka ayaa si caadi ah ku soo laabtay , waxaana la furay wadada oo markii hore la xiray.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Sabtidii lasoo dhaafay qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen Zoobe, kuwaas oo ay ku dhinteen 120 qof, halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.