Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiir ka tirsanaa maamulka HIirshabeelle ayaa lagu toogtay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho sid ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Wasiirkii hore ee Beeraha iyo Waraabka maamulka Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey ayaa la sheegay in dilkaas ay ka danbeeyeen koox hubaysan kuwaas oo dilka ka dib goobta isaga baxsaday.
Dowladda Soomaaliya laamaheeda amniga wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin dilka masuulkan ka tirsanaa Hirshabeelle loogu gaystay magaalada Muqdisho oo amaankeeda faraha uu ka sii baxayo.
Ciidamada amaanka ee degmada Yaaqshid ayaa sameeyay howlgalo ay ku doonayeen iney kusoo qabtaan kooxihii dilkaasi ka danbeeyay, isku daygaasi ayaa guul dareystay.
Si kastaba, dilka Wasiirkan horey uga tirsanaa maamulka Hirshabelle loogu geystay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmo kooban ka hor lagu dilay degmada Xamarjajab ee Muqdisho guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Leave a Reply