Luuq (Raxanreeb ) Degaano ka mid ah gobolka Gedo waxaa ka socdo kulamo ay wadaan xubno sar sare oo ka mid ah mamaul goboleedka Jubbaland kuwaas oo la kulmaya qaybaha bulshada
Madaxwayne ku xigeenka maamulka Jubbaland oo in muddo ah tagin deegaanada gobolka Gedo ayaa ka mid ah xubnaha kulamada ka wada Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Luuq.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa kala hadlaya bulshada uu la kulmayo , sidii loo taageeri lahaa maamulka Jubbaland oo dadka gobolkaas in muddo ah ay diidanayeen.
Luuq ayaa kamid ah meelaha haatan laga taageeray maamulka cusub ee uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe u magacabay gobolka Gedo, kaasi oo uu hoggaamiyo Cabdullaahi Shimbir.
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa la filayaa inuu usii gudbi doono degmooyinka kale, sida magaalada Baardheere, halkaasi oo uu booqan doono madaxweyne ku-xigeenka.
Dhawaan Madaxwayaha Jubbaland ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo kaas oo bedelaya maamulkii hore tan iyo xiligaasna waxa jiray isbedel ku yimid hab maamulka deegaanka.
Leave a Reply