Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta wax ka qabashada amniga caasimadda oo dagaalo iyo dilal ay ka dhacayaan.
Ciidamo fara badan ayaa la dhigay degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaas oo ujeedkooda uu yahay siii ay wax uga qaban lahaayeen amniga caasimadda oo maalmahan aan lahayn sal fadhiya.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay ciidamo cusb oo la sheegay inay ka qayb qaadanayaan sugidda amniga degmooyinka magaaalada Muqdisho.
Waxay ku biiri doonaan kuwo kale oo hore loo geeyay waddooyinka iyo degmooyinka Muqdisho , taas oo muujinaysa sida dowladda ay ula daala dhacaysa amniga caasimadda.
Gobolka Banaadir ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro toos ah oo ay ka dambeeyeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana kamid ah weerarkii horraantii sanadkaan ka dhacay gobolka, kaasi oo geystay dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur lixaad leh.
Leave a Reply