Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta maamul goboleedyada dalka ayaa bayaan ay soo saareen xiriirka ugu jaray Wasiirka Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif, oo ay ku eedeeyeen inuu dhowr jeer baajiyay shir lagu madalsanaa inay labada dhinac yeeshaan.
Month: November 2022
Galmudug oo sheegtay kooxo burcad inay dhibaayo ku yihiin amniga gobolka
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed shire Bukhaari ayaa sheegay in amniga guud ee gobolka Mudug ay duullaan ku yihiin Saddex kooxood oo isbaheystay, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin amniga gobolka.
Cali Jeyte oo Aqalka Sare uga warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab
Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde} ayaa Maanta Xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan.
Kherson : Magaaladii Qaraha
Markii madaxweynaha Ukraine uu booqday magaalada dhowaan la xoreeyey ee Kherson waxaa uu ku kaftamay in uu halka u tagay isagoo doonaya qaraha ay magaalada caanka ku tahay
DF oo sii ambaqaadaysa wada-hadaladii ay la lahayd Somaliland.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Wada- hadalada Soomaaliya & Somaliland oo hakad galay intii ay jirtay Dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dowladda Federaalka ee Madaxwayne Xasan Sheekh shaacisay in la sii ambaqaadi doono. Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sheegay in wada hadalka walaalaha Somaliland loo mari doono si ay ku jirto danaha ummadda Soomaaliyeed....
Sheekh Usuuli oo si layaab leh uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Sheekh Cusmaan Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isagoo cadeeyey in wax kasta ay ka muhiimsan tahay in kooxdaas laga xoreeyo dalka
Maamulka Jubbaland oo ka hadlay fatahaado uu sameeyay wabiga Jubba
Dhowaan waxaa degaanka Baarka ee Gobolka Jubbada Hoose ka dhacay fatahaad uu sameeyay Wabiga Jubba, kaas oo baabi’iyay dalagyada Beero kuyaalla halkaasi, sidoo kalena uu geystay dhibaatooyin kala duwan, waxaana faah faahin ka bixiyay dowlad Goboleedka Jubbaland.
Nin Falastiini ah oo maanta weerar ku dilay saddex qof oo Israeli ah
Nin Falastiini ah ayaa shalay dilay saddex qof oo Israeli ah, oo saddex uu mindiyeeyey saddex kalena la dul maray baabuur, Daanta Galbeed ee la haysto kahor inta aan isaga la dilin, sida ay sheegeen saraakiisha Israel.
Shirkii deg deg ahaa ee golaha Wasiirada caawa & Qodobadii ka soo baxay.
Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay...
QM oo sheegtay tirada dhimashada dadka shacabka ah ee Soomaaliya
Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay khasaaraha sii kordhaya ee dadka rayidka ah ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in in ka badan 600 oo rayid ah lagu dilay Soomaaliya sanadkan 2022

