FASHIL : Laftagareen iyo Xasan Sheekh oo isku afgaran waayay doorashada KGS

FASHIL : Laftagareen iyo Xasan Sheekh oo isku afgaran waayay doorashada KGS

Raxanreeb (Dhuusmareeb ) Magaalada Dhuusmareeb ee gobolka galgaduud waxaa ka dhacay kulan fashil uu ku dhamaaday , kaas oo dhaxmaray Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Xasan Sheekh  Maxamuud.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya iyo Xasan Sheekh ay ka wada- hadleen qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya deegaanada maamulka koonfur Galbeed.

Sida xogaha ay sheegayaan madaxwayne Xasan ayaa u  yeeray Madaxwaynaha Koonfur Galbeed si uu ugala hadlo tabasho mucaaraadka ay ka qabaan doorashooyinka  koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha  Dowladda Soomaaliya iyo Madaxwaynaha koonfur Galbeed ayaa la sheegayaa in  muddo ah ay isku haystaan tanaasul uu sameeyo Laftagareen , maadama uu  yahay kan keliya ka faa’idaystay waqtiga loo kordhiyay maamulada.

Wararka ayaa sheegaya in Laftagareen oo markii horeba arintan loogu yeeray uu u sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in aysan  suurtagal ahayn dhankiisa isla markaana uu ku joogo heshiis madasha ay ogtahay.

Xubnaha mucaaradka koonfur Galbeed oo tagay dhawaan magaalada Dhuusmareeb ayaa dhankooda Madaxwayne Xasan Sheekh isku afgaran waayeen hanaanka loo wajahayo doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan koonfur Galbeed Soomaaliya

Magaalada Muqdisho  waxaa ka soconaya kulamada siyaasadeed kuwaas oo looga hadlayo sidii deegaanadaas ay uga dhici lahayn doorasho la isla ogol yahay  taas oo dhankiisa uu ka biyo diidsan yahay Laftagareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.