Month: November 2023

DENI oo jawaab la yaab leh ka helay DANAB – ‘’Isgaa ka masuul ah dagaalkii dhacay ‘’
Post

DENI oo jawaab la yaab leh ka helay DANAB – ‘’Isgaa ka masuul ah dagaalkii dhacay ‘’

Garoowe (Raxanreeb ) Taliska ciidanka DANAB ayaa ka hadlay markii ugu horeysay hadal ka yeeray Madaxwaynaha waqtiga uu ka sii dhamaanayo ee Puntland Saciid Cabdullaahi DENI. Madaxwaynaha Puntland oo sheegay inuu cafis u fidiyay saraakiishii ka qayb qaatay dagaaladii ay riixayeen mucaaraadka ayaa hadalkaas durbadiiba waxaa ka falceliyay Taliska ciidanka DANAB ee ka howlgala Puntland....

DABKII  ka kacay Xamarwayne oo faahfaahsan & ganacsato ku hanti beeshay
Post

DABKII  ka kacay Xamarwayne oo faahfaahsan & ganacsato ku hanti beeshay

Muqdisho (Raxanreeb ) Saacado badan waxaa lagu guulaystay in la damiyo , dab xoogan oo ka kacay suuqa ugu way nee xamarwayne halkaas oo ay ku baa’baday  hanti aad u fara badan isla markaana ay ku cayrtoobeen  ganacsato badan . Maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka oo is kaashanaya ayaa ku guuleystay deminta dab xooggan oo...

Isbitaalka Beledwayne oo u xirmay fataahadaha ka jira halkaas
Post

Isbitaalka Beledwayne oo u xirmay fataahadaha ka jira halkaas

Beledwayne (Raxanreeb )Wararka  naga soo gaaraya magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay sii kordhayso dhibaatada  fataadaha wabiga Shabeelle uu ka gaysanayo xaafadaha magaaladaas waxaana gabi ahaanba xirmay adeegyo  muhiim  u ah dadka magaalada ku nool. Sida wararka aan ka helayno magaaladaas ay sheegayaan waxa fatahaadan meelaha ay saamaysay ka mid ah Isbitaalka...

MUQDISHO : Ma jirto khudaar la soo galiyay intii tiilayna ,qiimaha sare u kacay
Post

MUQDISHO : Ma jirto khudaar la soo galiyay intii tiilayna ,qiimaha sare u kacay

Muqdisho ( Raxanreeb ) Suuqyada magaalada Muqdisho waxaa laga wayaay gabi ahaan suuyadeeda noocyada khudaarta labadii maalin  ee la soo dhaafay. Arintan ayaa loo sababaynayaa ka dib markii gadiidka khudaarta lagu celiyay duleedka magaalada Muqdisho halkaas oo Eey baaraya. Sida wararku ay sheegayaan gadiidkan ayaa sugayay labadii maalin ee la soo dhaacay eeyaha wax uriya...

Xasan Sheekh oo doonaya in dib loo bilaabo howgaladii fashilmay & saraakiil la canaantay
Post

Xasan Sheekh oo doonaya in dib loo bilaabo howgaladii fashilmay & saraakiil la canaantay

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen saraakiisha amniga iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa looga hadlay kulankan sidii markale loo bilaabi lahaa howlgaladii ka socday gobolada dalka kaas oo hakad uu ku yimid in muddo ah. Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiisha amniga warbixin...

In ka badan 60 qof oo ku geeriyooday fatahaadaha ka jira Soomaaliya
Post

In ka badan 60 qof oo ku geeriyooday fatahaadaha ka jira Soomaaliya

Beledwayne (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dad badan oo ku dhintay 24- kii saac ee la soo dhaafay daadadka ku dhuftay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan. Wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado badan oo gobolka Hiiraan ah ayaa sababay khasaare isugu jira , dhimasho , dhaawac iyo Barakac ay sameeyeen Qoysaskii...