Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Israa'iil ay tahay "dowlad argagaxiso ah" oo dambiyo dagaal ka geysatay Gaza, kuna xad-gudubtay sharciga caalamiga ah, isagoo sii xoojiyey dhaleeceynta isdabajoogga ah ee uu u jeedinayo hoggaamiyeyaasha Israa'iil iyo taageerayaashooda reer galbeedka.
Day: November 16, 2023
Erdoğan oo yiri ” Israa’ il waa argagaxiso ” + weeraro kale oo ka sii socda GAZA
Gaza (Raxaneeeb ) Madaxwaynaha Turky Recep Tayyip Erdoğan ayaa weerar afka ah ku qaaday xukuumada Israa’il oo weeraro wali ka wada dhulka reer Falastiin. Madaxwaynaha Turky ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin dagaalka ka sii socda Gaza oo uu sheegay inuu yahay xasuuq ba’ an oo loo gaysanayo caruur & haween oo aan waxba...
Goormuu furmayaa Kalfadhiga 4aad ee Golaha shacabka – dood adag oo hortaala ?
Muqdisho ( Raxanreeb ) Sida qorshuhu yahay sanadkan inta uusan dhamaan ayaa lagu wadaa in uu furmo fadhiyada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya. Ilo xog ogaal ah ayaa RBC u sheegay in kalfadhiga 4-aad u furmi doono maalinta Sabti 25-November-2023-ka. Golaha Shacabka ah ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxa horyaala qodobo badan oo muhiim ah oo...
Golaha ammaanka ” Ciidamo kale waa in Soomaaliya la geeyaa” – Go’ aan cusub
NEWYORK (Raxanreeb ) Maanta oo Khamiis ah xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar cusub ka soo saaray ciidanka ATMIS ee sii joogitaanka gudaha Soomaaliya. Shir ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka oo fadhigoodu ayaa ku muujiyay qaraarkooda in Midowga Afrika in ilaa 17,626 askari ay geeyaan Somaaliya oo biiraya ATMIS ilaa...
PUNTLAND oo kulan deg deg ah ka yeelatay fatahaadaha ka jira Gaalkacyo
Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa ka qabsoomay kulan looga hadlayay fataadaha ka jira magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug halkaas oo dad badan uu sameeyay fataahada jirta. Waxaa shir guddoominyay kulankan oo ahaa mid deg deg ah Madaxwaynaha Saciid Deni & Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaana ka qayb...
Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Gaarisa
Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya in Ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya ay ku dagaallameen qeeybo ka tirsan magaalada Gaarisa, weerarka ayaa la sheegaya in uu ku billowday walxaha qarxa markii hore halka kadibna fool ka fool xabad la iskula tagay.
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dhageysaneysa kiiska Koofi
Magaalada Muqdisho waxaa saaka loo fariistay dhegeysiga dacwad loo haysto agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo saraakiil kale oo sida la sheegey ka tirsan wasaaradda maaliyadda.
GARISSA : Shabaaab & Ciidanka Kenya oo ku dagaalamay & khasaaraha jira
Garissa (Raxanreeb ) Ciidanka amniga Kenya iyo koox la aamisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al- Shabaab ayaa ka dhacay magaalada Garissa ee Waqooyi Bari dalka Kenya. Sida wararka ay sheegayaan dagaalkan ayaa ku – bilowday qarxyo waxaana xigay dagaal toos ah oo dhaxmaray labada dhinac ee kooxda Al- Shabaab iyo ciidanka amniga...
‘’Damaca nagama jiro Badda Soomaaliya ‘’ sidaas waxa yiri Aby Ahmed
Adis Ababa (Raxanreeb ) Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Ahmed Ahmed ayaa sheegay in aysan muuqan damac ku aadan badda Soomaaliya, hadalkaas oo ka sheegay Barlamaanka dalkaas. Ra’iisulwasaraha Itoobiya ayaa markale ku celiyay in muhiim ay tahay in itoobiya ay hesho Badda ay isticmaasho , taas oo uu yiri waa in aan u marnaa wada – hadal iyo...