Muqdisho (Raxanreeb ) In muddo ahba waxaa taagnaa khilaaf u dhaxeeyay Villa Soomaaliyo iyo warbaahinta madax banaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho , taas oo ka dhalatay hab dhaqanka waaxda warfaafinta Villa Soomaaliya. Inta badan warbaahinta ayaa caqabad ku qabay la macaamiilka iyo helida xogta Villa Soomaaliya taas oo ay u sii dheerayd gabaabsiga ku...
Month: December 2023
Ciidamo xirtay waddada Madaxtooyada Garowe
Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaysa magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Madaxtooyada maamulka ay isbaaro dhigteen waddada laamiga ah, ee gasha madaxtooyada.
NISA oo qabatay rag hore ay Al-Shabaab usoo bandhigtay
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee (NISA), ayaa gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah shakhsiyaad dhowaan tagay deegaannada kooxda Al-Shabaab ay joogto, kana soo muuqday muuqaallo ay horey u baahisay kooxda Al-Shabaab.
Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay
Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Cadcadey, halkaasi oo ay kus soo qab qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka DFS oo lagu xiray Garoowe+ SABABTA
Garoowe (Raxanreeb ) sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Puntland ciidanka amniga maamulkaas ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Agaasimaha Laanta Lixaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan degaannada Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil ayaa ciidanku ay xabsiga ay dhigeen. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya...
Maamulka G/Banaadir oo sheegay inay xireen shirkado sifo sharci darro Bajaajlayda lacag uga qaadanayay
Maamulka Gobolka Banaadir, uga soo jawaabay cabasho ka timid bajaajleyda Muqdisho, kuwaas oo lagu soo rogay lacago dheeraad ah.
WARBIXIN| Kala- fogaanshaha ciidanka DFS & shacabka Muqdisho.
Muqdisho (Raxanreeb ) Waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya howlgal ay wadaan ciidanka amniga ee Dowladda Soomaaliya kuwaas oo maalmahan noqday kuwo joogta ah . Hase ahaatee waxaa muuqanaya in askarta taagan goobaha ay ka socdaan howlgalada si gaar ah ay u beegsanayaan haweenka xijaaban iyo raga xiran cimaadaha iyo qamiisyada. Dumar ...
HOOBIYAAL lagu garaacay xaafado ka mid ah Muqdisho
Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho meelo badan oo ka mid ah waxaa lagu garaacay dhawr hoobiyaal kuwaas oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inta badan soo gaaray dadka shacabka ah. Degmooyin badan oo caasimada ah ayaa lagu garaacay hoobiyaashan , mana jirto cid sheegatay masuuliyada weeraradan ka dhacay magaalada Muqdisho. Hoobiyeyaashan ayaa si...
Guddoomiyaha Howlwadaag oo xafiiskiisa kuqaabilay xubno katirsan Hay’adda Aqoonsiga
Muqdisho (Raxanreeb) – Masuuliyiintan ka socotay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA) ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay maamulka degmada Howlwadaag ee uu hoggaamiyo Guddoomiye Bashiir Cabdi Maxamed Xoosh. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii xarunta degmada Howlwadaag ee Gobolka Benaadir looga hirgalin lahaa xarun diiwaangalinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Ugu dambeyn howshaas ayaa ku...
Belgium: Maxkamad 15 sano ku xukuntay sarkaal ka tirsan mucaaradka Jabuuti
Maxkamad ku taalla dalka Belgium ayaa 15 sano oo xarig ah ku xukuntay nin ka tirsan mucaaradka Jabuuti oo dibad joog ah kaddib markii lagu helay inuu jir dil u gaystay nin ay isku siyaasad ahaayeen oo la garaacay indhahana laga saaray.