Day: January 24, 2024

Home » Archives for January 24, 2024
MD Xasan siduu u maareyn doonaa culayska siyaasadeed ee uu wajahay ?.
Post

MD Xasan siduu u maareyn doonaa culayska siyaasadeed ee uu wajahay ?.

Muqdisho (Raxanreeb ) Nidaamkan wax ka bedelka Dastuurka waxa uu la soo jaanqaaday doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud & ka dib Bishii May ee sanadkii hore markaas oo  Golaha Wadatashiga Qaranka ay ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka Ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii u horreysay u yeelato...

Aadan Madoobe oo sheegay in la  meel mariyay wax ka dedelka Dastuurka.
Post

Aadan Madoobe oo sheegay in la  meel mariyay wax ka dedelka Dastuurka.

Muqdisho (Raxanreeb ) Iyadoo  buuq badan uu ka taagan yahay xarunta Golaha shacabka  ayaa maanta oo Arbaca ah xildhibaanadada labada aqal sida la sheegay waxa ay meel mariyeen habraaca wax ka bedelka Dastuurka. Waxaa Ogolaaday habraaca 180 Xildhibaan halka ay diideen 30 mudane sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha. Warbaahinta madax banaan ayaa loo diiday...

SJS oo war ka soo saartay hoteel uu ka socday tababar oo ay galeen saddex sarkaal NISA.
Post

SJS oo war ka soo saartay hoteel uu ka socday tababar oo ay galeen saddex sarkaal NISA.

MUQDISHO(Muqdisho) –  Duhurnimadii Sabtida, 20 January 2024, iyadoo uu socday tababar ku saabsan xuquuqul insaanka oo loo qabtay gabdhaha saxafiyiinta Somali Journalists Syndicate – SJS, ayaa waxaa Hotel Saxafi, magaalada Muqdisho, si lama filaan ah u soo galay saddex sarkaal oo ka tirsan #NISA. Waxay billaabeen handadaad, fawdo iyo caga-jugleyn ka dhan shaqaalaha hotelka iyo tababarayaasha. Waxay dalbadeen...

Maxaa ka socda xarunta Golaha shacabka ? Doodu waa mid adag.
Post

Maxaa ka socda xarunta Golaha shacabka ? Doodu waa mid adag.

Muqdisho (Raxanreeb )  Maanta oo Arbaca ah xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka. Maanta waxaa aad loo adkeeyay amniga hareeraha xarunta Golaha shacabka ee uu ka dhacayo kulanka oo ah mid aad xasaasi u ah oo isha lagu hayo. Fariin shalay loo diray xildhibaanada ayaa waxaa loogu sheegay...