Wararka naga soo gaaraya degaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay in loo diiday in uu tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen. Ciidamada degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu arkay dhamaan waddooyinka gala...
Month: July 2024
Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo isku fidiyay degaano cusub
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayeen Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuna sugan saldhiga Mahadaay ayaa si wada jir ah howlgal uga sameeyay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalkan oo ujeedjiisu ahaa xaqiijinta Amniga ayaa Ciidamada wadajirka ah waxaa ay ka sameeyeen tuulooyinka koonfur bari ka xiga...
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta Kulan xasaasi ah yeelanaya
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay Xarunta Villa Haregysa ku yeeshaan mid kamid ah Kulamadooda caadiga ah oo ay yeeshaan Xildhibaannada. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada u diray farriin qoraaleed ku aadan inay kasoo qeyb galaan Kulanka Guud ee Xildhibaannada Golaha Shacabka, isla markaana looga...
Maamulka Koonfur Galbeed oo qaadacay Shir ay ku casuuntay dowladda Soomaaliya
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa siweyn uga soo horjeestay shirka Culimadda Soomaaliyeed, kaas oo la filayo in uu Maanta ka furmo Magaalada Doxa ee Caasimadda Wadanka Qatar, isla markaana ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in wax tashi iyo ka qaybgalin...
Turkiga oo ku hanjabay in uu ku biiri doono dagaalka ka dhanka ah Israa’iil
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii shalay sheegay, in laga yaabo in Turkiga uu gudaha u galo Isra’il, si la mid ah sidi ay horay uga sameeyeen Liiniya iyo Nagorno-Karabakh, balse ma uusan faah-faahin nuuca ay noqon doonto faragelinta uu soo hadal qaaday. Erdogan, oo si aada u dhaleeceeya duullaanka ay Isra’il ku qaadday...
Ciidamada Dowladda oo laga soo saaray degaannadii dhawaan la wareegeen ee Jubbaland
Ciidamada Dowladda Faderaalka ee ku sugnaa degaannada Miido iyo Harboole ee gobalka Jubadda hoose ayaa isaga soo baxay fariisimihii halkaasi ay ku lahaayeen waxayna ku soo laabteen Kismaayo. Lama cadeyn sababaha ciidamada ay goobahooda usoo baneyeen, iyado dhowr maalin ka hor dagaal ka dhacay Buulo-Xaaji khasaaro xoogan logu geystay kooxaha xagjiriinta ah. Dowladda Faderaalka ayaa...
Booliska oo War kasoo saaray burburinta Dhulkii Wasaaradda..
Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay, howlgal saakay ciidamada ammaanka uga saareen dadkii deganaa dhismihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku taallay degmada Boondheere. Waxa uu sheegay afhayeenka booliiska in saakay gacanta dowladda mar kale dib ugu soo laabatay dhismihii hore ee Wasaaradda Arrimaha...
Imaaraadka Carabta oo hal arrin ka sameysay Muqdisho
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho ka furtay xarunta bixinta dal ku galka (VISA) taas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed fursad u siineyso in Fiisaha ay ka qaadan karaan. Xaruntaan ayaa noqonaysa Qunsuliyaddii ugu horeeysay oo Imaaraadka ka furo Muqdisho tan iyo burburkii ka dib, tani ayaa xoojineyso xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Shacabka...
Markabkii dhawaan la afduubtay oo kusoo xirtay dekadda Boosaaso
Dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland waxaa shalay kusoo xirtay markabkii ugu horreeyey ee wada badeecad ganacsi oo konteenaro ah, kaddib markii dhawaan la dhisay qeyb cusub oo dekadda lagu soo kordhiyay. Markabka M.V. Martin One oo wada badeecado kala duwan oo konteenaro ah ayaa kasoo shiraacday dekad kutaalla dalka Imaaraadka Carabta,...
Xiisad dagaal oo ka taagan Galgaduud iyo Ciidamo…
Xiisadda dagaal oo u dhaxeeyso laba maleeshiyo Beeleed ayaa saaka ka taagan degaanka Laan Buraale oo u dhow Balli-dhiig oo u dhow xad beenaadka Galgaduud iyo Dowlad degaanka Soomaalida ee Gobolka Qoraxeey. Shalay halkaasi ayaa waxaa ku dagaalamay laba maleeshiyo Beeleed, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalkaas ku geeriyooday laba Ruux halka tiro intaasi ka badan...