Muqdisho (Raxanreeb ) War ka soo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in ay aad ugu xun yihiin ficiladii guracanaa ee Al- Shabaab ay ka gaysteen duleedka magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.
Warka ka soo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la laayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan , lana banaysto hantidooda.
“ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Midowga Afrika.
ATMIS ayaa sheegtay in ka go’an tahay inay la shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab, loona helo amni iyo xasillooni buuxda.
Cambaareyn caalami ah ayaa ka dhalatay weerarka Al-Shabaab ku dishay 21 qof shacab ah oo ka dhacay degaanka Afarta Irdood ee gobolka Hiiaan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa gobolka Hiiraan ka socda howlgal ka dhan ah Al- Shabaab , waxaana magaaalada Beledwayne ka socda shirar looga hadlayo amniga iyo dagaalka loogu soo horjeedo Al – Shabaab.
Leave a Reply