Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa – gudaha dalka ku soo celisay muwaadiiniin ku go’adoonsanayn xadka Sudan uu la wadaago dalalka Itoobiya iyo Masar halkaas oo ay ku sugan yihiin dad badan oo ka soo baxsanaya rabashada dalkaas ka jira
Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayay dadkan oo gaaraya 18 qof maanta oo Arbaca ah laga soo dejiyay kuwaas oo ku faraxsanaa sida ay ugu qanacsan yihiin in dalka dib loogu soo celiyo.
Ku simaha xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Cabdiraxmaan Nuur Diinaari ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in diyaarad qaas ah oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday Dalka Koofurta Suudaan oo mangalyo siiyay.
Diinaari waxa uu sheegay in muwaadiniintaan ay kasoo baxeen Magaalada Khartuum iyaga oo gaaray Xuduudda Koofurta Suudaan, Diyaarad Militari oo ay leedahay Dowladda Kenya oo muwaadiniintooda kasoo qaadi rabay Dalkaas horay usoo qaadeen.
Dagaalka ka dhacay dalka Suudaan ayaa galay asbuucii sedexaad ayaa waxaa lagu guuldareystay xabadjoojin ay dhinacyadu ku dhawaaqeeyn habeen a hor, taas oo ay garwadeen ka aheyd dowladda Mareykanka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socoto xaaladda ka taagan Magaalada Khartuum caasimadda Suudaan oo tan iyo 15kii April 2023 .
Leave a Reply