Muqdisho(Raxanreeb)Maxkamadda Ciidamada ayaa ku riday Sheegow iyo ciidamadiisa, Xukunno Isugu Jiro Dil, Mag iyo Sanado Xabsi Ciidan ah.
Sheegow Axmed Cali waxaa lagu Xukumay Bixinta Diyada Sakariye ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.
Axmed ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ Xasan (Abii Axmed ) taliyaha ciidamada Horjooge Sheegow ayaa isna lagu Xukumay Dil-toogasha ah, waxa uuna ku dilay jowhar Maxkamad ku taal laba eedeysane February 13-keedii sanadkan.
18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Laba dhac gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen.
Deeqow maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.
Sidaas waxaa lagu daabacay goor dhawayd mareegta Garsoor oo ah isha warbaahineed ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Leave a Reply