Xoghayaha Guud QM Guterres oo laga mamnuucay Israa’iil

London (Raxanreeb online) – Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres laga mamnuucay inuu soo galo dalka, isaga oo ku eedeeyay in uu dhinac ka yahay Israa’iil.

Maanta, waxaan ku dhawaaqay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay @antonioguterres uu yahay qof aan laga rabin gudaha Israa’iil, waxaana ka mamnuucay in uu soo galo dalka,” ayuu yiri qoraal uu soo saaray Israel Katz oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil.

“Qof kasta oo aan si cad u cambaareyn karin weerarka foosha xun ee Iran ku qaaday Israa’iil, sida ay ku sameeyeen inta badan dalalka caalamka, uma qalmo in uu lug soo dhigo dhulka Israa’iil,’ ayuu sii raaciyay.

Wasiirka Katz ayaa ku eedeeyay Xoghaye Guterres inuu taageeray “argagixisada, kufsadayaasha, iyo dilayaal ka tirsan Xamaas, Xisbullaah, Xuuthiyiinta, iyo hadda oo Iiraan ay weerar ku soo qaaday Israa’iil.

Wuxuu sheegay in tani ay tahay mid lagu xasuusan doono taariikh madow oo ay leedahay Qaramada Midoobay.

“Waa xoghayaha guud oo ilaa hadda aan cambaareynin xasuuqa iyo dhibaatooyinka galmada ee ay 7-dii Oktoobar ka geysteen kooxaha dilayaasha Xamaas, sidoo kale wuxuu ku guuldareystay inuu hormuud u noqdo dadaallada loogu aqoonsanayo inay yihiin urur argagixiso.”

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri: “Israa’iil waxay sii wadi doontaa inay difaacdo muwaadiniinteeda oo ay ilaaliso sharafta qarankeeda, iyada oo Guterres jiro ama uusan jirin.”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa hore uga caraysiiyay Israa’iil markii uu sheegay kadib xasuuqii 7-dii Oktoobar: “Waxaa muhiim ah in la fahmo in weerarrada Xamaas aysan ku dhicin meel cidlo ah. Dadka Falastiin waxay soo mareen 56 sano oo gumaysi ciirsi leh.”

Guterres ayaa hore ugu eedeeyay Yuhuudda in Falastiiniyiinta “dhulkooda si tartiib tartiib ah looga qaatay oo ay dhibaatadu ku dhacday sababtaas.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.