Washington (Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo Marwadii hore Michelle Obama ayaa dilka Alex Pretti ku tilmaamay musiibo qalbi jab leh.
War-saxaafadeed ay soo saareen, lamaanahan ayay ku sheegeen in toogashadii ay tahay mid baraarujin u ah qof kasta oo Mareykan ah, iyadoon loo eegin dhinac gaar ah, in qaar badan oo ka mid ah qiyamkeenna asaasiga ah ee qaran ahaan ay si isa soo taraysa ugu socdaan weerarro”.
“Toddobaadyo hadda, dadka dalka oo dhan waxay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo weji-xiran iyo wakiillo kale oo federaal ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku hawlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, lagu kicinayo dadka taasoo khatar gelineysa dadka deggan magaalo weyn oo Mareykan ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale waxay intaa ku dareen in maamulka Trump uu u muuqdo mid aad u xiiseynaya inuu xaaladda sii xumeeyo, iyada toogashooyinkii dhacay oo aan wax baaritaan ah oo dhab ah lagu sameyn taasoo ay ku tilmaameen in ay u muuqato inay si toos ah uga hor imaanayso caddaynta muuqaalka.

Leave a Reply