Wadayaasha Mooto Bajaajta oo Muqdisho ka dhigay Bannaanbax ay kaga soo horjeedaan Maamulka Gobolka Banaadir

Wadayaasha Mooto Bajaajta oo Muqdisho ka dhigay Bannaanbax ay kaga soo horjeedaan Maamulka Gobolka Banaadir

Muqdisho (Raxanreeb) — Qaar ka mid ah Wadayaasha gaadiidka Mooto Bajaaj-ta ayaa Magaalada Muqdisho ka dhigay Bannaanbax ay kaga soo horjeedaan warka ka soo yeeray Maamulka Gobolka Banaadir ee ahaa in la sumadeeyo Mootooyinka ka shaqeeya Caasimadda kuwaas oo loo sameenayo A iyo B.

Darawallada ka xeysay Mooto Bajaaj-ta ayaa bannaanbaxa maanta waxa ay ka dhigeen inta u dhaxeysa Isgoyska Dablka illaa aargada KM4, iyada oo xirtay waddada, waxaana hakad ku yimid isusocodka gaadiidka daweynaha ee isticmaala waddadaas.

Qaar ka mid ah wadayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “A iyo B haddii aan qaadanno waa in la yareeyaa Canshuurta, jidadka waa in naloola furaa, Biyaha waddooyinka fadhiya waa in nalaga qaaadaa, maadaama aan shaqeeneyno 15 maalin, waa in lacagta laga dhigaa $7.5, fariintaan waxaa aan u dirayaa dhammaan Madaxda Dalka oo ugu horreeyo Madaxweynaha.” Waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wadayaasha gaadiidka Mooto Bajaaj-taayaa cabasho ka muujiyay lacag ay sheegeen in uu Maamulka Gobolka Banaadir ka qaadayo Mootooyinka loo sameenayo A iyo B. Mid ka mid darawallada oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “15 Berri waan ogalnahay oo A iyo B hannalaga dhigo laakiin waxa aan ka soo horjeednaa $20 ee Mootada lagu buufinayo ma ogolin.”

Musatqbal Media caddeyn umo heyso eedeemaha Wadayaasha gaadiidka Mooto Bajaaj-ta ay u jeediyeen Maamulka Gobolka Banaadir, balse warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Hoose ee Xamar 20 April 2023-ka ayaa lagu sheegay in uu dhawaan maamulka Gobolka uu bilaabi doona midabeynta Mooto Bajaaj-ta, iyada oo la bilaabi doona 24 April, 2023-ka.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la wadaagay wareegtada ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhammaan milkiilayaasha iyo shirkadaha Mooto Bajaajta lagu amray in ay iska diiwaan galiyaan, goobaha Maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Xamar ay u asteeyeen diiwaan galinta Mooto Bajaajta.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shirguddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre oo qabsoomay 30-kii March, 2023-ka ayaa lagu ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta, kaas oo dhigaya in Dalka laga soo dejin Mooto Bajaajta si KMG, loona sameeyo midabeeyn A iyo B ah.