Gobolka Banaadir ”Lama aqbalayo in ay furnaadaan goobaha lagu iibiyo maanka-dooriya”

Gobolka Banaadir ”Lama aqbalayo in ay furnaadaan goobaha lagu iibiyo maanka-dooriya”

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maandooriyaha ah ka sameeyay xeebta liido ee degmada Cabdicasiis.

Waxaa ku wehliyay howlgaladan  ciidanka Dowladda Guddoomiyaha – gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho kaas oo albaabada isugu dhuftay goobo lagu iibiyo Maandooriyaha.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhowr jeer masuuliyiinta Gobolka banaadir ay u digeen dadka waxyaabaha fawaaxishada ee liddiga ku ah diiinta islmaamka ku sameeyo xeebta liido.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale ayaa dhankiisa sheegay  in goobtaan sida loo xiray ay tahay dib danbana loo furi doonin cidii furtana ay kula xisaabtami doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.