Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin ku shaqeysan jiray dhkhtartnimo iyo sarkaal sare oo ciidan ah, oo lagu helay inuu ka mid yahay Al-Shabaab kana soo shaqeeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho.
Month: January 2023
Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Danab oo lagu dilay weeraro qaraxya ah oo ka dhacay Galcad.
Galcad ( Raxanreeb ) Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Kumaandooska ee Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa lagu dilay weerar qaraxyo ku billowday oo kooxada Al shabaab ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Wararka laga helay Dagamada Galcada ayaa sheegay in illaa laba gaari...
Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in dib loo billaabayo cansuurta guryaha
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in ay dib u bilaabayaan qaadista Canshuuraha Guryaha taas oo la joojiyay dhammaadka sanadkii hore ee 2022-ka.
Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ku yaalla gobolka Baay
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaallo deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan gobolka Baay.
TPLF oo sheegtay in weli ay ku saganyihiin ciidamada Eritrea gobolkooda
Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), ayaa beeniyey hadal ka soo yeeray dhex dhexaadiyaha Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo, kaasoo ahaa in ciidamada Eritrea ay isaga baxeen waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaddib heshiis lagu soo afjarayo laba sano oo dagaal sokeeye ah.
Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo xabaalo wadareedyo ka helay bariga DR Congo
Congo Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa helay tobanaan meydad ah oo ku jira xabaalo wadareedyo.
Culeys siyaasadeed oo soo food saaray Imran Khan
Golaha baarlamaanka ee gobolka Khyber Pakhtun-khwa ee dalka Pakistan, oo uu hoggaamiyo xisbiga Raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan, ayaa la kala diray.
Qoor Qoor oo sheegay in maamul loo sameynayo deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in maamullo loo magacaabayo Degmooyinka laga qabsaday Al-Shabaab ay si kumeel gaar ah usii shaqeynayaan si loo gaarsiiyo Doorasho Dadka deegaanka ay ku dooranayaan maamulka matalaya.
DEG- DEG : Guri ku yaala degmada – Hodan oo la qarxiyay.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Qarax Nuuca Miinada soobooda ayaa lagu xiray Guri ku yaalo Waaxda October ee Dagmada Hodan ee Gobalka Banaadir . Dhawaqa qaraxan aad ayaa looga maqlay Dagmada Hodan iyo dagmooyinka u dhaw dhaw . Majiro wax qasaara ah oo uu sababay qaraxan. Maamulka degmada Hodan wali wax faahfaahin ah ma uusan ka...
Wararkii ugu dambeeyay ee diyaaradda ku burburtay Ukraine oo ay wasiiro ku dhinteen
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysaa diyaaradda goordhaweyd ku burburtya meel u dhaw caasimadda Ukraine.


