Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Arbaco waxa magaalada Muqdisho iyo meelo badan oo dalka ah loogu dabaal degayaa maalinta kowaad ee ee munaasabada Ciidul adxaa. Dad badan oo ku faraxsan maalintan ayaa isugu soo baxay waddooyinka waawayn ee magaalada Muqdisho. Dadka qaar ee awooda u leh ayaa ku mashquulsanaa qalida xoolaha Udxiyada si ay ugu...
Month: June 2023
Ruushka oo fuliyey qodobo ka mid ah heshiiskii kooxda Wagner
Hay’adda amniga Ruushka ee FSB ayaa maanta ku dhowaaqday inay laashay dacwad ka dhan aheyd dagaal-yahanada kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ee ku eedeysan inay sameysay gadood hubeysan oo ay xukunka uga tuureyso hoggaanka militari ee dalka.
Ninka 15-ka sano hoggaaminayay kaniisadda ee isaga iyo xertiisaba ay qaateen diinta islaamka sanadkanna xajinaya
Ibraahim Richmond oo ahaa wadaad Kirishtaan ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, dhawaana qaatay diinta Islaamka, ayaa waxaa sanadkan uu kamid yahay kumanaanka muslimiinta ah ee gudanaya xajka.
Maxaa ka cusub Ruushka saacadihii lasoo dhaafay xageese ku dambeeyeen kooxda Wagner?
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hambalyeeyay ciidamada milateriga oo uu sheegay inay “joojiyeen dagaal sokeeye”, isagoo la hadlayayna waxa uu ku baaqay in hal daqiiqo la aamuso duuliyayaashii lagu dilay iska horimaadyada intii uu socday fallaagada Wagner.
Ajaaniib ka tirsan Daacish oo lagu qabtay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari
Boosaaso (Raxanreeb ) Ciidanka amniga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa in howlgal ay ka fuliyeen dhulka Buuraha Galgala ay gacanta ku soo dhigeen sarkaakiil ka tirsan Al- Shabaab. Laamaha amniga magaalada Boosaaso ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay , buuraleyda Camaamo ee degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari, kadib xog ay...
PUNTLAND oo dib u heshiisiin u samaynaysa beelo ku dagaalamay Mudug
Gaalkacyo (Raxanreeb ) Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa dadaal ugu jira sidii loo xalin lahaa laba beelo oo walaala ah kuwaas oo in muddo ah u dhaxeeyay khilaaf sababay gacan ka hadal iskuna bedelo gacan ka hadal. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa safar iyo masuuliyiin kale ayaa lagu soo...
‘’Ciidanka Kenya way sii joogaan Soomaaliya’’ – William Ruto
Nairobi (Raxanreeb ) Howlgalka ATMIS oo markiisii hore ka yimid AMISOM ayaa hadda waxa socda sidii loo dhimi lahaa ciidanka si ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ula wareegaan amniga guud ahaan dalka. Waxaa bar barsocda qorshan talaabooyin kale oo la doonaya in gudaha dalka ay kaga howlgalaan ciidamo kale oo ka socda wadamada safka hore...
Muslimiintii ugu badanayd oo bilaabay acmaasha xajka
Riyadh (Raxanreeb ) Maanta oo Talaad ah In ka badan laba milyan oo xujay ah ayaa taagan buurta Carafa, si ay u gutaan rukniga ugu weyn arkaanta xajka , iyadoo muslimiin badan oo caalamka ku nool maanta ay sooman yihiin intooda badan. Dadka Islaamka ee maanta taagan banka cafaro waxaa ka mid ah kumaan dad...
WFP : Soomaaliya iyo dalal Afrika ah oo dadkooda u dhiman doonaan Gaajo.
Muqdisho (Raxanreeb ) Walaac aad u xoogan ayaa laga qabaa , in dalal badan oo bariga Afrika ah oo ay Soomaaliya ku jirto in ay soo food saarto xaalad adag oo xaga cuna- yarida taas oo saamayn ku yeelan doonta kumaan dad ah oo ku nool wadamadan. Hay’adda cunada Aduunka WFP ayaa shaacisay wadamo badan...
Muxuu Farriintiisa ku sheegay Madaxa Wagner muxuuse ka tagay ?
Madaxa kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in farriintiisu u dambeysay ee uu soo dhigay barta Telegram in uu uga jawaabayey su'aalaha ugu muhiimsan ee dadku iska weydiinayeen talaabadiisii amar diidada ee uu Moscow ku aaday iyo dhacdooyinkii ay horseeday, iyo sida uu sheegay in oo saxo waxii "qalad loo fahmay".