Month: April 2024

Cuno la’aan baahsan oo ka jirta Sudan & khatar ka dhalan karta.
Post

Cuno la’aan baahsan oo ka jirta Sudan & khatar ka dhalan karta.

Sudan (Raxanreeb )- Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dagaalka ka socda Sudaan uu halis ugu jiro in uu abuuro dhibaatadii ugu darnayd ee macaluul ah, waxaana xaaladdii ugu adkeyd ay ka taagan tahay gobolka Daarfuur oo goob ay colaadaha iyo abaaruhu diloodeen. Hey’addu waxay haatan sheegaysaa inay ugu dambayn ku guulaysatay...

PUNTLAND : Shaqo kuma lihin wasiirka dowladda ee arrimaha gudaha .
Post

PUNTLAND : Shaqo kuma lihin wasiirka dowladda ee arrimaha gudaha .

Garoowe (Raxanreeb )- Maamul goboleedka Puntland ayaa ayaa war ka soo saaray magacaabista ,wasiirada arrimaha  gudaha iyo dib u heshiisiinta ee deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland. Puntland ayaa gabi ahaanba diiday inay aqbasho , wasiirkaas arrimaha gudaha , isla markaana diiday in deegaanadeeda lagu qabto musaabadaha lagu taageerayo wasiirka . Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ee...

War-murtiyeed laga soo saaray wahadalladii Sacuudiga iyo Soomaaliya
Post

War-murtiyeed laga soo saaray wahadalladii Sacuudiga iyo Soomaaliya

War-murityeed ay si wadajir ah u soo saareen maanta oo Axad ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud iyo dhaxal sugaha boroqtooyada sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis Aala Sacuud ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, dhinacyada dhaqaalaha, amniga, hurumarka labada dhinac, iyo heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhowaan dhex maray dowladda Ethiopia iyo Somaliland.

Israa’iil oo GAZA ka saaraysa ciidankeeda.
Post

Israa’iil oo GAZA ka saaraysa ciidankeeda.

GAZA (Raxanreeb )-Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in dhammaan ciidanka dhulka laga saaray koonfurta marinka Qasa , marka laga reebo hal guuto , sida ay sheegtay Reuters oo xigatay afhayeen u hadlay ciidanka Israa’iil. Ma jirto faahfaahin la bixiyay oo la xiriirta sababta guutooyinkeeda looga saaray koonfurta Qasa oo ah halka ay ciidanka ugu badan ka...

DHACDO :  Hooyo shan kun oo shallin Soomaali darteed loo dilay.
Post

DHACDO :  Hooyo shan kun oo shallin Soomaali darteed loo dilay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose waxaa laga soo warinayaa dhacdo aad u argagax leh ka dib markii halkaa lagu dilay hooyo Soomaaliyeed. Dilka waxaa  la sheegay inuu gaystay askari ka  tirsan m ciidanka amniga maamulka degmada Afgooye , ka dib markii uu ku amray askariga Hooyada Soomaaliyeed bixinta lacag dhan shan...

DFS oo digniin ka soo saartay xaaluf ka socda xeebaha Soomaaliya.
Post

DFS oo digniin ka soo saartay xaaluf ka socda xeebaha Soomaaliya.

Muqdisho (Raxanreeb )- Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diginin u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha ka Kalluumeysta biyaha Soomaaliya. Digniintaan ayaa ku qotonta u hoggaansanaanta sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, gaar ahaan qodobka 31aad ee qeexaya hababka Kalluumeysi ee la ogol yahay. Iyada la xiganayo qodobkan ayaa Wasaaraddu...

Moscow : Daadad Ku Rogmaday Magaalooyin ka tirsan Ruush-ka.
Post

Moscow : Daadad Ku Rogmaday Magaalooyin ka tirsan Ruush-ka.

Moscow (Raxanreeb )-  Daadad Ku Rogmaday Magaalooyin ka tirsan Ruush-ka.Ruushka ayaa sheegay Sabtidii in ay daadgureeyeen 4,000 oo qof oo ku noolaa gobolka Orenburg, ee koonfurta Ural ee u dhow Kazakhstan, daadad ka dib markii uu karkaarada jabsaday  biyo-xireen weyn oo gobolka ku yaallay, kaas oo sababay in ay ku fataho magaalooyin dhowr ah oo...

DIL Garoowe loogu gaystay askari ka tirsanaa Puntland.
Post

DIL Garoowe loogu gaystay askari ka tirsanaa Puntland.

Garoowe (Raxanreeb ) –Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay dil loo gaystay askari ka tirsanaa ciidanka maamulka Puntland gaar ahaan kuwa ka  howlgala magaalada Garoowe. Hay’adaha amniga magaalada Garoowe ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen shaqsigii gaystay dilkaas kaas oo su’aalo lagu waydiinayo xabsiga uu ku xiran...

RW oo isku shaandhaayn ku saameeyay Golihiisa wasiirada
Post

RW oo isku shaandhaayn ku saameeyay Golihiisa wasiirada

Muqdisho (Raxanreeb )- Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa saakay wareegto uu soo saaray ku magacaabay wasiirro cusub oo kamid noqonaya Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya. Wasiiradda uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isugu jira kuwa horey boosaskooda u bannaanaayeen iyo wasiirro cusub uu xilka ka qaaday una magacaabay xubno cusub...

Macron oo aaminsan in xasuuqii Rwanda wax laga qaban karay balse la hagraday
Post

Macron oo aaminsan in xasuuqii Rwanda wax laga qaban karay balse la hagraday

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa aaminsan in Faransiiska iyo xulafadiisa reer galbeedka iyo dalalka Afrika in "ay joojin kari lahaayeen" xasuuqii Rwanda ee dhacay sannadkii 1994-kii, balse aanay xilligaasi jirin doonis ku aaddan in la joojiyo xasuuqa lagu laayey illaa 800,000 oo qof oo u badan qowmiyadda tuutsiga, sida ay baahisay madaxtooyada dalkaasi Khamiistii.