Day: April 28, 2024

Home » Archives for April 28, 2024
WAR KOOBAN : Ciidanka dowladda oo ku dagaalamay gudaha Muqdisho.
Post

WAR KOOBAN : Ciidanka dowladda oo ku dagaalamay gudaha Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb )- Ciidama katirsan Nabad Sugida iyo kuwa Milatari ah ayaa goordhaw ku dagaalamay meel udhaw isgoyska Boondheere waxaana la maqlayay hubka culus iyo kan fudud. Ciidamada ayaa is horfadhiya wali waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada NISA ay weerareen Guri uu Dagan yahay Sarkaal katirsan Ciidamada Milatariga gaar ahaan kuwa Danab goobta...

WARCUSUB :Lix qof oo lagu laayay duleedka Muqdisho.
Post

WARCUSUB :Lix qof oo lagu laayay duleedka Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb )-Alaha u wada naxariisto Shaqaalihii Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo galabta qarax lagula eegtay deegaanka weydoow ee Duleedka Magaalada muqdisho Tirada shaqaalaha waa 6 waxayna dhamaan ku basbeeleen gudaha gaariga oo ay kuwada geeriyoodeen isla goobtii lagula eegtay qaraxa, tirarada magacyada shaqaalahaasi geeriyooday waxay kala yihiin. 1- Maxamed ahmed gamaxey2- Xusem moalim abdi3-...

GALMUDUG : Dadkii ugu badnaa oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud.
Post

GALMUDUG : Dadkii ugu badnaa oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud.

Caabudwaaq (Raxanreeb ) – ku dhawaad 10 ruux ayaa ku naf waayey halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacantey dagaal mudo saacado ah maanta ka socdey deegaan miyo ah oo u dhexeeya hul-kujir iyo laandheer. Meydadka iyo dhaawacyada dhinacyada dagaalamaya ayaa lakala geeyay magaalooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq oo ay kasoo Kala jeedaan maleeshiyaadka dagaalamayay....

Shuute oo qaadi doona kiiska musuqa ee saadka ciidanka DANAB.
Post

Shuute oo qaadi doona kiiska musuqa ee saadka ciidanka DANAB.

Muqdisho(Raxanreeb ) – Magaalada Muqdisho waxaa  circa isku shareeray ,  oo aad looga hadal hayaa xafiisyada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana la sugayaa , talaabo in la qaado. Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan sida loo musuqay saadka ciidanka gaarka ah ee Danab oo...

GAZA : Duqeymo & wada – hadal is barbar socda , maxaa cusub ee jira waqtigan ?.
Post

GAZA : Duqeymo & wada – hadal is barbar socda , maxaa cusub ee jira waqtigan ?.

Gaza (Raxanreeb )- Israa’iil ayaa markii u horreysay soo bandhigtay heshiis ay ku sheegtay inay furantahay in laga wada-hadlo joojinta dagaalka Qasa. Sidoo kale soo jeedinta ayaa la sheegay in lagu aqbalay dalabaadka Xamaas oo ay ku jiraan in Falastiiniyiinta ka qaxday loo oggalaado si buuxda inay ugu laaban karaan waqooyiga Gaza iyo in sidoo...

Mareykanka ‘’Ukraine waxaan ku caawin doonaa difaaca hawada ‘’.
Post

Mareykanka ‘’Ukraine waxaan ku caawin doonaa difaaca hawada ‘’.

Kiev (Raxanreeb )- Maraykanka ayaa sheegay in uu Ukraine siin doono nidaamka gantaalaha difaaca hawada ee Patriot, taas oo qayb ka ah $6 billion oo gargaar dheeri ah, kaas oo lagu caawinayo dowladda xilligaan dagaalka kula jirta Ruushka. Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaana ku dhawaaqay qorshahan isaga oo ku tilmaamay inuu yahay gargaar amni oo...

Waqooyi Bari Kenya oo kala go’an ka dib roobab halkaas ka da’ay.
Post

Waqooyi Bari Kenya oo kala go’an ka dib roobab halkaas ka da’ay.

Nairobi (Raxanreeb )- Daadad iyo roobab xooggan oo dabeylo wata oo ka da’ay Kenya ayaa dilay ku dhowaad  100 qof tan iyo bartamihii bishii Maarso oo roobabka la dareemay. Waxaa kala xiran isku socodka guud ee gobalka waqooyiga bari ee dalka Kenya ka dib markii uu soo fatahay wabiga Tana ee ugu wayn wabiyada mara...