Muqdisho (Raxanreeb ) Deegaanada maamulka Puntland waxaa si rasmi ah uga bilaabatay doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka ee maamulkaas.
Waxay doorashada ka dhaceysaa soddon degmo oo ku yaala Mudug, Bari, iyo Sanaag iyo deegaano kale oo Puntland ah marka laga reebo gobolka Nugaal.
Guddiga doorashada ayaa codeyntii halkaas ka dhici laheyd dib u dhigay khilaaf hubeysan iyo rabshado gobolka ka dhacay, iyadoo ciidamo hubeysan oo doorashada kasoo horjeeda ay meelaha qaar la wareegeen sanduuqda.
Shacabka ku dhaqan degmooyinka ay ka dhacayaan doorashada ayaa subaxnimadii hore ee Saaka gaaray goobaha loo asteeyay in ay ka dhacdo doorashada, sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya dadka oo safaf dhaadheer ugu jira sida ay codkooda u dhiiban lahaayeen.
Sidoo kale waxaa doorashada loo diyaariyay 395 goobood oo la dhigay sanaadiiqda doorashada maanta ka bilaabatay Puntland oo ay ku tartamayaan illaa todobo urur.
Puntland oo ah hooyada federaalka ayaa markii ugu horreysaney qabaneysa doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayaan dadweynaha Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka weli war kama soo saarin doorashada balse waxa ay ku soo aadeysaa doorashadaan xilli Magaalada Muqdisho uu ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu ka maqan yahay Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Leave a Reply