Hargaysa (Raxanreeb ) Ugu yaraan 9 askari oo ka tirsan booliska Somaliland ayaa ku dhintay, halka 17 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo Jimcihii shalay dhexmaray ciidamada maamulka Somaliland iyo maleeshiyada jabhadda ka dagaalameysa buurta Gacan Libaax oo ku taalla inta u dhexeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Taliyaha Booliska Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin ayey ku sheegeen in ciidamada oo amniga sugayey lasoo weeraray.
Taliye Saqadhi ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ciidamada Somaliland ay qaadi doonaan tallaabo adag oo ka dhan ah jabhadda hubeysan ee dagaalka kula jirta maamulka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed kaahin ayaa ku eedeeyay in jabhaddan ay diiday wax wada hadal ah, wuxuuna sheegay in Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro uu ka dambeeyo, sida uu hadalka u dhigay.
Leave a Reply