Gabar uu dhalay taliyaha booliska hirshabelle ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhcay muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Miski Xasan Dhicisow oo aheyd gabar uu dhlay Taliyaha qeybta guud ee Booliska HirShabeelle iyo saaxiibteed Foos ayaa shalay kamid noqday dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Muqdisho gaar ahaan dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne.

Miski iyo Foos waxaa halkaas ku celisay qadarta Alle, waxaana sidii ay u geeriyoodeen ka warbixiyey wiilal ay qaraabo ahaayeen oo la socday gabdhahaas.

Waxay ahaayeen koox dhalinyaro ah oo wadatay hal gaari waxay istaageen banaanka maqaayadda Geeldoox oo ku taalla dhabarka dambe ee Guriga weyn ee Hooyooyinka waxaana gaariga ka degay wiilashii oo maqaayadda qado u doontay.

Wiilashii oo hadda nool kana badbaaday qaraxaas ayaa ka sheekeeyey qisadaan xanuunka badan waxayna sheegeen in labada gabdhood ay diideen inay maqaayadda u raacaan oo lasoo qadeeyaan waxayna ku hareen gaariga oo taagnaa banaanka maqaayadda wadada dhinaceeda.

Mid kamid ah wiilasha ayaa u soo laabtay gabdhaha isagoo u keenay cabitaan balse waa ka diideen oo ma cabin wiilkii ayaa ku laabtay maqaayadda si uu u soo qadeeyo intaas kadib waxaa dhacay qaraxa oo ahaa mid gaari lagu soo raray.

Gabdhahaan ayaa gaariga laga soo dhex bixiyey iyagoo gubanaya waxayna ku geeriyooday isla goobta meydkooda ayaana lagu soo aasay qabuuraha Muqdisho.

Miski Xasan Dhiciso gabadha Taliyaha Booliska Soomaaliya ee deegaanada HirShabeelle waxaa naloo xaqiijiyey in ay u socotay dalka Turkiga halkaas oo Jaamacad ay ka dhiganeysay.

Markii ay geeriyoodeen Miski iyo saaxiibteed inta aysan musiibadu ku dhicin waxay soo salaameen Ayeeyadeed Hooyada dhashay Taliye Xasan Dhicisow waana soo macasalaameysay, maadaama ay Turkiga u socotay.
Dhacdooyinka noocaan ah iyo kuwo kasii xanuun badan ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.