Dehran ( Raxanreeb Online) Kooxda xuquuqul insaanka ee Hrana, oo saldhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan dalka Iran ay ka badan tahay laba kun iyo shan boqol oo qof.
Kooxdu waxa ay sheegtay in laba iyo toban ka mid ah dadka dhintay ay yihiin carruur.
Tiradani ayaa la shaaciyay xilli madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku boorriyay dadka reer Iran inay sii wadaan dibadbaxyada.
Waxa uu tii talaadada u sheegay weriyeyaasha, inuu isku dayayo inuu soo ururiyo tiro sax ah oo ku saabsan tirada dadka dhintay oo uu si waafaqsan uga jawaabi doono. Mr. Trump wuxuu la tashanayay la taliyayaashiisa amniga qaranka.
Horay ayuu ugu hanjabay tallaabo adag, wuxuuna uga digay Iran inay qofna daldalaan. Iran ayaa ku eedaysay inuu hurinayo rabshado.

Leave a Reply