Garoowe (Raxanreeb Online): Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka, oo lagu qabtay magaalada Garoowe.
Munaasabadda waxaa soo qabanqaabiyay Dalladda Dhallinyarada Puntland (PYAN), iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Puntland.
Hal-ku-dhigga sanadkan ayaa ahaa “Doorka Dhallinyarada ee Horumarinta Nabadda, Wax ka Qabashada Isbeddelka Cimilada iyo Shaqo Abuurka”, iyadoo munaasabadda looga hadlay doorka dhallinyarada ee nabadda, horumarka, xasilloonida bulshada iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyay dhallinyarada Puntland iyo kaalinta ay ka qaataan arrimaha kala duwan ee bulshada, isagoo sheegay in dhallinyaradu yihiin mustaqbalka dalka iyo dadka, isla markaana ay Puntland muhiimad gaar ah siinayso.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan goleyaasha Puntland, dhallinyarada, ururrada bulshada rayidka ah iyo marti-sharaf kale.





Leave a Reply