Duqeyn culus oo xalay iyo saakay lagu qaaday Jubada Dhexe

Duqeyn culus oo xalay iyo saakay lagu qaaday Jubada Dhexe

Bu’aale (Raxanreeb) — Warrarka ka imaanaya koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay iyo saaka duqeyn xagga cirka ah lagu qaaday magaalooyinka Jilib, Saakow iyo Bu’aale.

Dad ku sugan Jilib ayaa laga soo xigtay in illaa afar gantaal lagu dhuftay dhawr xafaadood oo magaalada ka tirsan. Mid kamid ah gantaalladaasi wuxu ku dhacay xarunta shirkadda korontada siisa Jilib, waxana ku dhintay qof ka tirsanaa shaqaallaha shirkadda.

Dad ku sugan Saakow ayaa iyana laga soo xigtay in ay maqleen illaa afar gantaal oo ku dhacday magaalada, in kastoo ay sheegeen in aanay guryahooda ka bixin, isla markaana aanay garanayn halka bartilmaameedku ahaa iyo khasaarraha ka dhashay.

Magaalada madaxda Gobolka Jubada Dhexe ee Bu’aale ayaa iyana la soo weriyay in illaa afar gantaal lagu weerarray, xog badanse lagama hayo khasarraha ay gaysteen.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeynta lagu qaaday Jubada Dhexe lagu bartilmaameedsaday goobbaha rayidka, laakiin ma jiro war madax bannaan oo xaqiijinaya warka Al-Shabaab.

Wakaaladda warrarka u faafisa Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in ciidanka qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay duqeyn xagga cirka ah ku qaadeen xarumo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku yaala magaalooyinka Bu’aale, Saakow iyo Jilib, waxayna sheeggtay in duqeynta lagu naafeeyay Al-Shabaab.

Wakaaladdu ma sheegin inta uu la egyahay khasaarraha ay gaysteen diyaaraddaha duqeeyay Jubada Dhexe, sidoo kale ma soo qaadin warrarka sheegaya in dad rayid ah ay wax ku noqdeen.