Magaalada   ‘’MUQDISHO‘’ oo qarax ku waabariistay

Magaalada   ‘’MUQDISHO‘’ oo qarax ku waabariistay

Muqdisho (Raxanreeb ) Qarax khasaare xooggan ayaa maanta  ka dhacay  degmada Shibis ee magaalada Muqdisho kaas oo lala eegtay sarkaal ka tirsan Dowladda.

Waxa uu ka dhacay qaraxan meel u dhaw maqaayada Rajo Ee ku taala Beexaani Degmada Shibis, waana Qarax sida la sheegay lagu soo xiray gaari

Gaariga qofna ma saarneen, waxaana Boliisku sheegeen in qofna aysan wax ku noqon waxaana la arkayay qiiqa ka dhashay qaraxan .

Waxa la sheegay in gaariga uu  goobta uu yaalay , sarkaalka ka tirsan Dowladana uu ka maqnaa sida la xaqiijiyay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo isku keedaamay goobta, kadibna sameeyay baaritaano kooban.

Magaalada Muqdisho dhawrkii maalin ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay qaraxyo waxyeelo ba’an ka dhashay oo lala eegtay masuuliyiin Dowladda ka tirsan

Leave a Reply

Your email address will not be published.