Nairobi (Raxanreeb ) Wali waxaa la la,yahay Wasiirkii hore Maamulka JL Cabdirashiid Cabdi Nuur “Janan” oo lagu waayay magaalada Nairobi, ehelada Wasiirka ayaa inoo xaqijiyay in Khamiistii la soo dhaafay ay ugu wardambeysay ilaa haddana aysan garaneyn meel uu ku suganyahay.
Ehalada ayaa waday saacadihii la soo dhaafayay baadigobka Wasiirka kuwaas oo Nairobi ka tagay dhowr goobod oo dad sidaan lowayay laga helay balse waa ay ka wayeen.
Laamaha Amniga Kenya ayaa dhankoda sheegay inay baritaanka wadaan ilaa hadda lagama hayo war ku saabsan meesha ay wax umarayaan, Janan inta aan lawaayin waxaa uu deganaa mid ka mid ah Hotelada Nairobi halkaaso badanaa lagu arki jiray, waayadii dambe sida dad ka agdhow ay ino xaqijiyeen waxay saaxib ahaayen mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka Kenya NIS.
Janan markii JL uu ka tagay waxaa u noqday siyaasi ka soo horjeedo maamulkaasi isago garab siyaasaded ka raadinayay dalalka Kenya iyo Itoobiyo si Axmed Madoobe loga qaado kursiga JL, inta aan lawaayin waxaa urabay safar Garowe ah si uu kaga qeybgalo xaflada Caleemosaarka Madaxweynaha PL Saciid Deni oo waayadii danbe ay saaxibo ahaayen midaasi oo dhici rabtay 23 bishaan.
2019 ayaa Janan Dowladii Farmaajo ku xirtay Muqdisho iyadoo ku eedeysay dambiyo kala duwan laakin waa uu ka baxsday markii danbe xabsiga dadkii fududeyayna baxasashadiisa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynaha PL Deni.
Walaac badan ayay ka muujinayaan ehelada Cabdirashiid maqanashiisa ilaa hadda, magaalada Nairobi ayaa waayadii danbe afduubka nocaan ah lagu arkayay dadka la af-duubto ayaa ahaa kuwo la helo meydkooda iyo kuwana laga soo bad-baadiyay burcadda heysto.
Leave a Reply